Saturday 27 February 2010

Xasan Bariise oo Agaasime ka Noqday Idaacad ay AMISOM dhawaan ka furanayso magaalada Muqdisho


Muqdisho (RBC Radio):-Ciidamada AMISOM ee ku sugan magaalada Muqdisho ayaa markii ugu horaysay qayb ka qaadanaya dagaal Borobogaando ah oo ay lagelayaan Xoogaga islaamiyiinta ah ee diidan joogitaanka AMISOM islamarkaana la dagaashan TFG.


Idaacaddan oo qaybo badan leh dhamaanteed waxay wax ku baahin doontaa Af Somali marka laga reebo warar koo kooban oo English ku bixi doona kuwaas oo ku saabsan Howlgalka Midowga Africa ee magaalada Muqdisho.

Saraakiil AMISOM ah oo ku sugan Nairobi waxay sheegeen in maalmaha soo socda ay Hawada geli doonto Idaacadda Bar-kulan oo marka ugu horaysa ku shaqayn doonto Mowjadaha dhexe marka dambane ku shaqayn doonto FM.

Ilo Wareedyo Muhiim ah ayaa sheegaya in Idaacad FM ah lakeenay garoonka Diyuuradaha magaalada Muqdisho gaar ahaan Xerada Xalane xarunta AMISOM waxaana la sheegayaa in halkaasi ay xarun u noqon doonto Idaacadda AMISOM ee Bar-kulan.

Waxaa durba la bilaabay in shaqaale loo qoro Idaacaddan cusub balse waxaa aad u adag in Weriyaasha dhax dhaxaadka ah ay ka shaqeeyaan idaacadan sababa la xariira dhanka Amaanka ah.

Waxaa Idaacadan Agaasime ka ah Weriye Xasan Bariise oo kamid ahaa shaqaalihii Idaacadda BBC-da waxaana shaqaalaha hadda muuqda kamid ah Ayaanlle Cabdi Xuseen oo isna kasoo shaqeeyay Idaacadda BBC-da

Saraakiisha AMISOM waxay sheegeen in Idaacadan ay baahin doonto Barnaamijyo ka tarjumaya Nabadda iyo deganaashiyaha Soomaaliya.

Dhaqaalaha ku baxaya Idaacadda Bar-kulan ayaa aad u badan waxaana gacan ka gaysanaya Q.Midoobe,EU iyo Ururka Midowga Africa, shaqaalaha u shaqaynaya Idaacadda ayaa mushaar ahaan u qaadan doona $600 Dollar.

Hadda waxaa magaalada Muqdisho ka jira Idaacad ay leedahay dowlada KMG Somalia oo Muddo 15 Saacadood ah Hawada ku jirta Idaacaddan AMISOM ayaa lafilayaa in ay hawada ku jirto 18 saacadood oo xariir ah.

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...