Wednesday 24 February 2010

Wariye Axmed Soomaali oo Lagu Jirdilay Maxkamada Boosaaso (Sawiro)

Boosaaso, (RBC Radio) Wariye Axmed Nuur Ibraahim (Axmed Soomaali) oo ka mid ah wariyaasha ka hawlgala idaacada Daljir ee Boosaaso ayaa maanta [24-Feb-2010] jirdil ba’an loogu geystey gudaha maxkamada Boosaaso, xilli uu socday kiis dacwadeed ay ka qeybgashay saxaafada.
Jirdilka loo geystey wariye Axmed Soomaali ayaa dhacay xilli manta maxkamada derejada koowaad ee Boosaaso ay qaadeysay kiis ku saabsan dil oo loo heystey eedeysane u dhashay qowmiyada Oromada ee dalka Ethiopia, waxaana kiiskaasi loogu yeeray inay saxaafada ka qeybgasho.
Abaare 10:00 subaxnimo ee manta ayaa koox wariyaal ah oo ka hawlgala warbaahinta gudaha ka xaadireen xarunta maxkamada si ay u soo tebiyaan xukunka ay manta qaadeysay maxkamadu.
Ka hor inta aysan bilaaban dhegeysiga maxkamada ayaa wariyaashu weydiisteen gudoomiyaha maxkamada Boosaaso C/risaaq Xaaji Aadam inay saxaafada duuban karto dhacdada ka socota gudaha maxkamada isagoo ka dibna u ogolaaday.
Hase yeeshee hoolkii maxkamada ay fadhiday ayaa mar kaliya isu bedelay meel buuq iyo arbushaad ay ka taagan tahay ka dib markii xeer ilaaliye ku xigeenka Puntland, Axmed Taaran uu bilaabay inuu u gacan qaado wariyaashii goobta joogay. Waxaana uu si gaar ah gacan qaad isugu jiray ‘dharbaaxo iyo feer’ ku bilaabay wariye Axmed Nuur Ibraahim (Axmed Soomaali), waxaana uu xeer ilaaliye Axmed Taaran sidoo kale ku dhawaaqayey ereyo aflagaado ah oo ka dhan wariyaha oo ay ka muuqdeen handadaad iyo amar ku taagleyn.
Wariye Axmed Soomaali oo ay ka muuqato jirdilkii loo geystey
Wariyaashii goobta joogay ayaa codsaday in laga daayo gacan qaadka loona ogolaado iny dibada uga baxaan maxkamada, hase ahaatee taasi ma suuragelin, waxaana wariye Axmed Soomaali uu ku dadaalay inuu iska qabto gacmaha xeer ilaaliyaha oo markaasi dharbaaxo isaga ku waday.
Ilaalada xeer ilaaliyaha oo gaareysay 5 nin kuna hubeysneyd qoryaha AK-47 ayaa dabadeed ku soo biiray gacan qaadka iyagoo qoriga afkiisa ugu daray inay wariyaha la dhacaan. Waxayna iyagoo garaacaya wariyaha uga soo saareen dibada maxkamada.
Gudoomiyaha maxkamada C/risaaq Xaaji Aadam, ku xigeenadiisa iyo qaar ka mid ah garsoorayaasha maxkamada ayaa daawanayey falkan, iyagoo aan xitaa isku dayin inay soo dhexgalaan arinta.
Wariye Axmed Soomaali oo ay ka muuqdeen dhaawacyo aad u xoogan isla markaana uu dhiig ka socdo madaxa ayaa loo qaaday isbitaalka guud ee Boosaaso si halkaasi loogu soo daweeyo.
Wariye Axmed Soomaali oo sidoo kale ka tirsan idaacada IRIN ee Qaramada Midoobay ayaa dhacdada ka dib u sheegay RBC Radio inuu qabo dhaawacyo isugu jira jug ka gaartay feeraha, madaxa iyo gacmaha oo xannuun badan ka dareemayo, waxaana wariye Soomaali sidoo kale sheegay inuu waayey qaar ka mid ah qalabkii uu watay sida Recorder-kii iyo note book wax lagu qorto.
Wariyaasha ka hawlgala warbaahinta gobolka ayaa cambaareeyey dhacdadan maanta ka dhacdadan xarunta maxkamada Boosaaso oo ka mid ah xarumaha garsoorka ee loogu talagalay ilaalinta sharciga, taasi oo waliba ku soo beegantay xilli ay goob joog ahaayeen  masuuliyiinta maxkamada guud ahaantood.
Ma aha markii ugu horeysay oo fal xadgudub iyo jirdil wariye loogu geysto gudaha maxkamada Boosaaso, waxaana dhowr jeer oo hore sedan oo kale tacadiyo loogu geystey wariyaal ka hawlgala idaacadaha Boosaaso.
Ma jirto cid ka tirsan maamulka oo ka hadashay dhacdadan foosha xun ee manta ka dhacday xarunta maxkamada Boosaaso.

1 comment:

Anonymous said...

Read Full Article buy valium online no prescription in australia - what's best generic valium

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...