Tuesday 23 February 2010

Waa taageersanahay shirkii Hohol Qurba Joogta Beesha" Abokor Muuse"

Salaanta Islamka ayaan idinku salaamaynaa, anakoo ah qurba joogta beesha Abokor Muuse, ka dib markaan yeelanay kullan talefoon (Teleconference) aana aragnay go aanka Isimidda beesha Dhulbahante ee kulankii lagu qabtay Holhol iyo Buuro Wadal Jan-Feb 2010, kaas oo muujinaya in ay Isimadu ka midaysan yihiin qadiyadda Laas Caanood iyo xoraynteeda.
Markaan aragnay dibin daabyada ay soo maleegeen Falaagadda Somaliland kuna qabsadeen Laas Caanood, kuwaas oo weli dabada ka wada Magacii iyo Xuduudii gumaysigu ka tegay; iyo anaka oo tix gelinaynaa lagama maar maanimadda qadiyadda midnimadda Umadda Somaliyeed (Waqooye iyo Koonkur).
Alle ayaa mahadi u sugnaatay, waxaan u mahad celinaynaa, taageero hiil iyo hoobana la garab taaganahay Isimadda SSC, waxaana ugu boogaadinaynaa niyadda samidda iyo midnimad sida ay muujiyeen iyadda oo weliba kullan koodii khal khal nabad gelyo darro la geliyey.
Alle ayaa mahadi u sugnaatay, qurba joogta beesha Abokor Muuse waxay kale oo hanbalyo iyo boogaadin u dirayaan Garaad ka Beesha Jaamac Siyaad Garad Jamac Garad Ismail sida xilkasnimada leh ee uu u soo abaabulay, martina geliyey kullankaas Issimadda ee ay ka soo baxeen go aanka ay u midaysan yihiin.
Waxaana shacabka Somaliyeed iyo shacanka SSC u sheegaynaa in ay Las Caanood ahayd:
Magaaladii laga soo abaabulay dagaalkii Daraawiishta ee 20 ka sano kula dagaalamayeen Gumaysiga, kaas oo socday 1899 ilaa 1920..
Magaaladii laga soo abaabulay midnimadii labada gobol ee xoroobay 1960 kii, isku darkii Waqooye iyo Koonkur.

Magaaladii laga soo abaabulay ka hortagii Inqilaabkii uu hogaaminayey Dhamme Hassan Kayd, April 1961, inqilaabkaas oo Gumaysigii u adeegayey, rabayna in aan marnaba Shacabka Somaliyeed midoobin, waayo horay buu dhulkoodii u qaybiyey.
Magaaladii laga hogaaminayey in la ilaaliyo midnimadda Qaranka Somaliyeed Waqooye iyo Koonfur 20 kii sano ee bur burku jiray.
Magaaladii marti gelisay wadaado iyo dad kale oo ka soo cararay cadaadiskii Gumaysiga Ethiopia iyo gobolada dagaaladu ka socdaan ee Konfureed.
Qabsashada Laas Caanod waxaa laga soo abaabulay heshiis dhex maray Hargaysa oo aqoonsi ku raadsanaysa iyo Addis Ababa si ay gumaysiga Ethiopia ugu sahlanaato qab qabashada xubnaha ONLF iyo wadaado ka soo qaxay Gobalada Koonfur Somalia taas oo horay ugu suurtoobi wayday. Waana magaalada wado ka mid wadooyinka magaalada loo bixiyey, Riyaale ku carar December 2002, isku daygii boqashadii kowaad ee Dahir Riyale ka dibna la eryaday, laakiin manta uu adeegsaday awooda Ethiopia.
Sidaas daraadeed, markaan arrimahaas oo dhan tixgelinay waxaan soo saarnay bayaankan, waxaana ugu baaqaynaa umadda SSC in ay dagaal adag ku qaadaan daba dhilifka Gumaysiga, kuwaas oo ka soo horjeeda in ay dhalato Dawlad Xoog leh ee Somaliyeed.

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...