Saturday 20 February 2010

Sirdoonka Malaysia Oo Fashiliyey Lacago Si Gaar Ah Bank Wadankaasi Ay U Dhigteen Mas’uuliyiin Soomaali ah.

Kuala lumpur (RBC):- Wararka laga helayo caasimada wadanka Maleysia ayaa sheegaya in ciidamada Sirdoonka dalkaasi ay soo ogaadeen isla markaana fashiliyeen dhaqaale aad u farabadan oo taala Bankiyada dalkaasi, taasi oo uu dhigtey shaqsi Soomaali ah.




Dhaqaalahani ayaa lagu sheegay in uu dhan yahay ilaa iyo 16 Milyan oo Dollarka Mareykanka ah, waxaana baaritaan dheer oo ay ku sameeyeen lacagtani gaarka loo leeyahay ay noqotey mid u taala ama ku qoran magaca Shariif Xasan Shiikh Aadan oo ah Wasiirka Maaliyada Dawladda Federaalka Soomaaliya.



Daba gal dheer oo ay ku sameeyeen ayaa la sheegay in ciidanka Sirdoonku ay sheegeen in arintani ay la yaab ku noqotey in shaqsi dalka uu mas’uuliyada u hayo uu dhibaateysan yahay, isaguna dhaqaalaha intaa le eg ay u yaalaan Bankiyada aduunka qaarkood, waxayna ciidankani fashiliyey dhaqaalahani ay uga baqeen markii hore in loo adeegsado dano gaar ah oo dhibaateyn kara dalkaasi.



Bangiga lacagtani ay taalo ayaa lagu sheegay magaciisa First Bank Community oo ku yaala caasimada dalkaasi Malaysia ee Kuala Lumpur, waxaana dhaqaalahani la aaminsan yahay in uu qeyb ka yahay lacago tiro badan oo Wasiirka Maaliyadda uu ka soo qaadey wadamada Caalamka, gaar ahaan kuwa deeq bixiyayaasha ah, safaro is daba joog ah oo uu sanadkii hore ku tagey dalal badan oo caalamka ah.



Arintani ayaa wararku intaa ku darayaan in uu la socdo maamulka sare ee Dawladda Federaalka, gaar ahaan Madaxweynaha Dawladda Federaalka Shariif Shiikh Axmed, iyadoo ilaa iyo haatana aysan jirin cid soo hadal qaadey arimaha ku saabsan dhaqaalahaasi yaala Bank ku yaala dalka Malaysia.

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...