Thursday 25 February 2010

Munaasibad lagu xusayay maalinta Dhalashada Rasuulka (CSW) oo lagu qabtay Magaalada Hargeysa

Khamiis, 25 February 2010 (HOL): Xuska maalinta Dhalashada Rasuulka (CSW) oo ku beegan berry oo Jimce ah, kana qayb galeen masuuliyiin sarsare oo ka socda Qolayaasha Dawladda Somaliland, ayaa maanta lagu qabtay Magaalada Hargeysa.

Munaasibaddan oo ahayd mid si wayn loo soo agaasimay, laguna qabtay Hutel Maansoor ee magaalada Hargeysa, waxa ka qayb galay masuuliyiin sare oo ka kala socday Axsaabta Siyaasadda iyo Xukuumadda, kana mid ahaayeen, Guddoomiye-xigeenka Xisbiga UCID Aadan Maxamed Mire (Waqaf), Afhayeenka Xisbigaas Xasan Xusseen Codyare, Xoghayaha guud ee UDUB Jaamac Yaasiin Faarax iyo Wasiirada, Dhalinyarta iyo Ciyaaraha Muxumed Siciid Maxamed, Duulista Hawada Cali Maxamed Waran-cadde iyo Dib-u-dejinta Maxamed Cismaan Yuusuf. Waxa kale oo munaasibaddaa ka qayb galay Shirguddoonnada labada Aqal Baarlamaan ee Guurtida iyo Wakiilada.

Ugu horrayn waxa munaasibaddaas ka hadlay Sheekh Cabdiraxmaan Sh. Faarax oo ka socday Wasaaradda Diinta iyo Aw-Qaafta, oo ku dheeraaday muhiimadda Xuska iyo waynaynta maalinta Dhalashada Rasuulka (CSW), waxaanu hambalyo iyo bogaadin u diray guud ahaan Muslimiinta Dunida. “Waxaanu hambalyo iyo bogaadin u diraynaa guud ahaan Umadda Islaamka xuska dhalashada Rasuulka (CSW) awgeed.. Inkasta oo madaxdii dalka iyo culimadii aqoonta badan lahaa ay meesha fadhiyaan, waxaanu leenahay Shacabka Somalialnd waa in aydaan raacin dhalanteed oo aydaan diinta ka baydhin. Anigoo ka Wakiil ahWasaaradda Diinta iyo Aw-qaafta, waxaan jeclahay in aan la socodsiiyo dadka uu wali mugdigu kaga jiro dhalashadii Rasuulka (CSW) ee aanu maq-maqlayno inay meelahaa ka leeyihiin in aanay dhalashada Rasuulku qiimo la lahayn iyaga in Dhalashada Rasuulku ay qiime wayn ugu fadhido guud ahaan Caalamka Islaamka oo dhan.” Ayuu yidhi Sheekh Cabdiraxmaan Sh. Faarax.

Waxa sidoo kale halkaa Sheekh Khaliif Sh. Xasan Gudaal oo ka mid ah Mudanayaasha Golaha Guurtida Somaliland oo ku dheeraaday fadliga Umadda Nebi Muxamed (CSW) iyo waxay kaga duwan tahay Umadaha kale. “Xuska dhalashada Rasuulku (CSW) wax yar iyo sunne fudud ha moodina ee wuxuu xambaarsan yahay saddex waajib; xubbiga ama Jacaylka Nebiga, waayo waa faral in Rasuulka (CSW) la jeclaadaa, Salliga iyo in lagu salliyo Rasuulka (CSW) iyo waajibka saddexaad oo ah in dadka la baro jacaylka Nebiga (CSW) oo Caruurta iyo dadkaba la baro. Maalinta xuska dhalashada Rasuulku (CSW) soo gasho saddexdaas waajib ayuu xambaarsan yahay.” Ayuu yidhi Sheekhu. Waxaanu intaa raaciyay oo uu yidhi, “Waxa Gurigeena wada yaala oo meel kasta sudhan Taariikhda Dhalashada Nebi Ciise (CS), maxaa hor taagan in aynu caruurteena barno oo aynu meel walba sudhano taariikhda Rasuulkeena (CSW), inkasta oo aynaan necbayn Ambiyadii midkoodna oo waa in aynu mid walba taariikhdiisii haynaa, haddana in la wayneeyo oo la qaddariyo dhalashada iyo taariikhda Nebi Muxammed (CSW) ayaa loo baahan yahay. Diinta inay cid kastaa ka jawaabto maaha ee waa in Diinta laga baqo, waa in ay ka hadashaa cidda u ehelka ahi.”

Sheekh Khaliif wuxuu baaq u jeediyay dadka ku nool Hargeysa. “Waar Reer Hargeysoow afar kelmadood iska daaya; waxaasi waa Kufaar, way badatay kelmaddaasi ee iska daaya. Waxaasi waa xaaraam. Waa khuraafaad, iyana iska daaya. Waxa kale oo aad iska daysaan kelmadda waxba-kama-jiraan. Waar afartaa kelmadood iska daaya caaqiidada ayay wax yeelaysaa oo dad bay wax u dhimaysaa yaqiintooda’e.” ayuu yidhi Sheekh Khaliif.

Waxa kale oo isna halkaa ka hadlay Xil. Axmed-Yaasiin Sh. Cali Ayaanle oo ka mid ah Golaha Wakiilada Somaliland. “Qofka wax wanaagsan bilaaba Rasuulka (CSW) ayaa sheegay in uu ajarkeeda leeyahay ilaa inta la wado..Dhalashada Rasuulkana (CSW), isaga laf ahaantiisa ayaa xusay oo wuxuu ku xusay Soon..Malakul-Jibriil ayaa Nebiga (CSW) u bushaareeyay oo ugu bushaareeyay in aan Ilaahay magaciisa la xusayn, ilaa uu la socdo Magaca Rasuulku.” Ayaa ka mid ahaa hadalladii uu Xildhibaanku halkaa ka jeediyay, waxaanu intaa raaciyay oo uu yidhi, “Rasuulka (CSW) ayaa maalin Ciid ah soo maray Haween Daf tumaya oo Rasuulka ammaanaya, markaas ayuu isna yidhi, wallaahi aniguba waan idin jeclahay..Waxase isweydiin leh haddii Xuska dhalashada Rasuulku (CSW) dembi tahay, Rasuulku tartanka Quraanka Kariimka ah lagu tartamo xifdigiisa ma qaban oo kamay sugnaan, ee maxaa loo qabtaa? Waxa wanaagsan in aan umadda lagu wareerin wax aan jirin.”

Badhasaabka Gobolka Maroodi-jeex Maxamed Cabdi Daa’uud oo isna halkaa ka hadlay, ayaa ku dheeraaday taariikhda mad-habaha Diinta Islaamka, waxaanu ku dheeraaday halka ay salka ku kala hayaan. Badhasaabku wuxuu Culimada Somaliland ugu baaqay in wixii lagu kala qaybsamo ee la xidhiidha Diinta si caqli ku jiro looga doodo, isla markaana la wadaago doodo caafimaad qaba.

Gebogebadii, munaasibaddan oo ay dhextaal u ahaayeen Qasiidooyin iyo Nebi-Ammaan ay qaadayeen dhalinyaro ku lebbisan Callanka Somaliland, ayaa waxa kale oo ka hadlay culimo kale oo tiro badan oo uu ka mid ahaa Sheekh Cabdilaahi Mataan, kuwaas oo dhammaantood ka waramay muhiimadda xuska dhalashada Rasuulka (CSW).

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...