Saturday 27 February 2010

Munaasabad Lagu Xusayo Dhalashada Nebiga NNKH Oo Xalay Ka Dhacdey Magaalada Gaalkacyo


Gaalkacyo (RBC Radio):- Munaasabad si weyn loo soo agaasimey oo lagu xusayo dhalashada Nebi Muxamed SCW, ayaa habeenimadii xalay aheyd ka dhacdey gudaha magaalada Gaalkacyo, gaar ahaan Garoonka Kubada Cagta ee Cawaale Stadium.
Munaasabadani ayaa waxaa ka soo qeyb galay Mas’uuliyiin, Culimaa’udiinka Gobolka, iyo Dadweyne aad u farabadan, waxayna Munaasabadu bilaabatey xilliga Salaada Maqrib ka dib, iyadoo ay soo gaba gabowday Salaada Cishaha kadib.
Intii ay socotay Munaasabada lagu xusayey Dhalashada Suubanaheena Muxamed NNKH, ayaa waxaa la jeedinayey khudbado diini ah kuwaasi oo ku saabsan Taariikhda Nebiga SCW, iyadoo Idaacadaha magaaladuna ay si toos ah u tebinayeen, iyadoo amaanka goobta ay adkeynayeen Ciidamada Culimada Ehlusuna Waljameeca oo ku hareereysnaa afarta jaho ee halka ay munaasabadu ka socotay.
Shiikh Ismaaciil Xaashi Xuseen oo ka mid ah Culimaa’udiinka Puntland, isla markaana ah Agaasimaha Waaxda Arimaha Diinta ayaa ka mid ahaa Shiyuukhda sida weyn ugu dheeraatey ka sheekeynta taariikhda dhalasho ee Nebi Muxamed NNKH.
Ugu dambeyntiina Munaasabada xaley ka dhacdey Garoonka Cawaale ee lagu xusayey dhalashada Nebi Muxamed SCW, ayaa ku soo gaba gabowday jewi deganaansho ah, waxaana meesha ka baxdey cabsi laga qabey in ay amaan darro ka timaado dad la sheegay in ay ka soo horjeedaan xuska Dhalashada Nebiga NNKH.

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...