Tuesday 23 February 2010

Madaxda Ahlusunna oo isku khilaafay heshiiskii DF




Ahlusunna oo diiday jagooyin
Shir Jaraa'id oo uu Muqdisho ku qabtay gudoomiyihii hore ee Ururka Ahlusunna Sh. Cumar Sh. Max'ed Faarax ayaa wuxuu ku sheegay in ururkooda uusan doonayn wax jago ah oo uu ka helo dowlada, dagaalkoodana uusan ahayn mid ay xil ku donayan.
Sarkaalkan wuxuu sheegay in ururkooda uu u dagaalamayo hal ujeedo oo ah inay dalka ka saaran kooxaha uu ku sheegay inay doonayaan inay diinta si kale u baraan dadka Somalia.
"Dagaalada aan uga horjeedno Al-shabaab iyo Xisbul Islam waan sii wadaynaa inta aan dalka saarayno, markii aan dagaalka bilaabaynayna danteenu ma ahayn inaan jagooyin sarsare ka helno DF" ayuu yiri Sh. Cumar Sh. Max'ed Faarax.
Wafdi uu hogaaminayo mas'uulkan oo ku sugan Muqdisho ayaa waxay kulamo la qaateen Sh. Shariif iyo Sharma'arke, wuxuuna gudoomiyihii hore ee Ahlusuna uu sheegay inay kala hadleen heshiiska, ayna u sheegeen inaysan jagooyin ka doonayn.
"Ma doonayno inaan xukuumada jirta ka helno Jago, balse waan taageeraynaa, waayo waxaa dowladii Somalia, waxaana ka codsanay inay dagaalka gacan naga siiso" ayuu yiri gudoomiyihii hore ee Xisbul Islam.
Todobaadkan ayaa la shaaciyay heshiis ay Ahlusuna iyo DF ku gaareen dalka Ethiopia, kaasoo lagu qeexay in ururkan diimeed uu xukuumada ku yeelanayo 5-wasiir iyo 20-jago oo kale, kuwaasoo ay ku jirto taliyeyaasha ciidamada.
Sh. Cumar Sh. Max'ed Faarax ayaa sheegay in heshiis walba oo horumar keenaya ay soo dhaweynayaan, balse aysan doonayn wax xil ah oo ay dowlada Sh. Shariif ka qabtaan, taasoo u muuqata inay tahay mid ay ku diidan yihiin heshiiska dhacay.
Warar ayaa sheegaya in heshiiskan ay qayb ka tahay in Ahlusuna iyo DF ay isku daraan 20,000 oo ciidamo ah, kuwaasoo si wadajir ah ula dagaalama Al-Shabaab oo gacanta ku haysa inta badan koonfurta Somalia.
"Ururka Ahlusuna waan midneynaynaa si ay awood ugu yeeshaan inay fuliyaan qorshe cusub oo la doonayo in dalka Somalia looga sifeeyo Xisbul Islam iyo Al-shabaab oo xiriir la leh Al-Qaacida" ayuu yiri Sh. Cumar.
Gabagabadii shirkiisa jaraa'id ayuu ka digay in Ahulusuna ay adeegsato qabiilka oo uu sheegay inuu yahay cudur kala dhantaali kara hadafkooda ah inay dalka oo dhan diinta Islaamka ku baahiyaan, kana horistaagaan kooxo ay sheegeen inay diinta si khaldan u fasireen.

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...