Friday 26 February 2010

lacagtii loogu deeqay Dowlada midnimada qaran oo laga war helay qasriyo ay ku gadanayaan madaxweyne Sheikh Shariif iyo Wasiirka maaliyada Shariif Xasan

lacagtii loogu deeqay Dowlada midnimada qaran oo laga war helay qasriyo ay ku gadanayaan madaxweyne Sheikh Shariif iyo Wasiirka maaliyada Shariif Xasan


Lacag dhan 16 Malyan oo ka mid aheyd deeqdii caalamka ugu talagalay in lagu maal galiyo ciidamada xooga dalka si ay dagaal adag ula galaan xoogaga islaamiyiinta ayaa laga war helay in ay qasriyo waaweyn ku iibsanayeen madaxweynaha dowlada midnimada Qaran Sheikh Shariif Sheiikh Axmed iyo Rasiil wasaare ku xigeenka ahna wasiirka Maaliyada Shariif xasan

Labada masuul ayaa ka iibsanaayey laba qasri waaweyn Magaalada Dubia ee isku taga Imaraadka Carabta taa oo ka war heleen Bangiga aduunka iyadoona sida hada lagu helayana lacagtaasi dhamaan la joojiyey oo laga xanibay madaxweynaha iyo wasiirka maaliyada

Lacagta laga joojiyey dowlada midnimada qaran ayaa loo weeciyey dhanka Aragaxisa la dirirka qeybta Puntland kuwaa si toos ah loogu maal galiyey si ay u qab qabtaan culumaa u diinka Soomaliyeed ee xiligaan ah awooda ugu sareysa Soomalaiya

Deeqdaan oo aad u badneed ee laga xanibay dowlada midnimada qaran ayaa hakisay dagaal ay dowlada ku dooneysay in ay kula wareegto dalka waxeyn joojisay dhiig badan oo ka daadan laha shacab aad u dhiban laakiinsa waxay hoos u dhigtay is daba marinta lacagtaasi kal soonidii lagu qabay madaxda dowlada midnimada Qaran


Guryahaan waaweyn ay gadan rabeen labada masuul ayaa ka dhigeysa damaca ay qabaan siyaasiyiinta Soomaaliyeed ee ah ka faaideysa inta aysan bur burin dowlada madaama jirin siyaasi ka hor mariyo danta shacabka midiisa qaaska ah

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...