Tuesday 23 February 2010

Golaha sare Ahlusuna Waljamaacah iyo Gudoomiyaha Ahlusuna gobolada Dhexe oo ka soo horjeestay heshiiskii magaalada Addis Ababa


Mogadishu Tuesday 23 February 2010 SMC

Golaha sare culumaa'udiinka Ahlusuna Waljamaacah ayaa maanta si munaasabad soo dhoweyn ah u sameeyay Gudoomiyaha Ahlusuna Wal-Jamaacah ee gobolada dhexe Sheekh Cumar Sheekh Maxamed Faarax oo soo gaaray magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Kulanka soo dhoweynta oo ka dhacay Hotelka Naasahablood 2 ayaa hadalo soo dhoweyn waxaa ka jeediyay Ku simaha Gudoomiyaha Golaha sare Ahlusuna ahna Afhayeenka Ahlusuna Sheekh C/qaadir Soomow, isagoo sheegay in Ahlusuna aanay kala maqneyn, isla markaana uu u yimid Gudoomiyahoodii gobolada Dhexe.

"Waxaan ka digeynaa heshiis ku sheegyada ay dowladda la gashay kuwo sheegta Ahlusuna, waxaan soo dhoweyneynaa Midnimada Ahlusuna meel kasta ay joogto, iyo dhex dhexaadinta ka socota Nairobi ee ay wadaan Asharaafteena"ayuu yiri Shiikh Soomow.

Gudoomiyaha goboalda Dhexe ee Ahlusuna Sheekh Cumar Shiikh Maxamed Faarax ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay inay maanta is arkaan dad ay horay u kala maqnaayeen, isagoo ugu sheekeeyay culimadii ka soo qeyb gashay kulanka soo dhoweynta halganka ay soo galeen iyo meesha uu hada ku socdo.

Sheekh Cumar ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay in wixii ay shalay dhiigooda u daadiyeen inuu ahaa Mansabd siyaasadeed oo kaliya ay raadsanayeen waxa uu ugu yeeray wasiiro iyo agaasimayaal, isagoo si gaar ah ugala jeeday Shirkii Ahlusuna iyo Dowladda heshiiska ku gaareen magaalada Addis Ababa.

"Libaax hadaad aheyd inaad u hilowdo inaad dawaco noqoto waa nasiib daro, wixii shalay ee aan dhiiga ku daadineynay ee mashaa'ikhdii ahlu beydka aheyd ay ugu shahiideen, in maanta mansab iyo kuraas dowladeed oo muddo kooban kaliya ay dhaceysa inaan qaadano aad baan uga xunahay"ayuu yiri Sheekh Cumar Maxamed Faarax oo ka soo jeeda degmada Ceelbuur.

Waxaa uu sheegay in Ahlusuna ay yihiin Hogaamiyeyaal ruuxi ah, isla markaana aanay habooneyn in ay qaataan xilal ku ek mudadooda bilooyin oo uu ugala jeeday jiritaanka dowladda Soomaaliya, waxaana uu sheegay in ay iyaga yihiin kuwii sixi lahaa dowladda oo boqolaal sano hada dhiman talada heyn lahaa.

Shiikh Cumar ayaa sheegay in 23-dagaal ee ay gashay Ahlusuna uu goob joog ka ahaa 20-dagaal oo uu ku jiray safka dagaalka, waxaana uu tibaaxay in dhamaan ciidamadii ka qeyb galay dagaalkaas aanay isugu imaan qabiil iyo dad jaceyl, isagoo xusay in ay dhamaantood ka wada sinaayeen in ay diinta koryeelaan ayna difaacaan umadooda.

Waxaa uu soo dhoweeyay dadaalada lagu doonayo in Culumaa'udiinka Ahlusuna wal-jameeca in lagu dhex dhexaadiyo, isagoo ku baaqay in meel walba ay joogaan ahlusuna in ay midoobaan oo ay meel uga soo wada jeestaan waxa uu ugu yeeray gumeysiga cusub.

Golaha Sare Ahlusuna ayaa sheegay in dowladda ay garab istaagayaan, isla markaana ay taageerayaan, hase ahaatee heshiiskaas aanu aheyn mid ka turjumaya siyaasada dalka, isla markaana heshiiskaas ay dowladda u wakiilatay kooxo dano gaar ah wata.






Somaliweyn Media Center

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...