Tuesday 23 February 2010

Garowe: Madaxweynaha Puntland oo ay horyaalaan Shaqooyin adag..WARBIXIN….

Garowe(AllPuntland)- Madaxweynaha dawladda Puntland C/rixmaan Sheekh Maxamed oo maqnaa bilihii ugu dambeeyey ayaa dib ugu soo laabtay Aqalka Madaxtooyada ee magaalada Garowe, isagoo ka soo dhoofay dalalka jaarka la ah Soomaaliya, oo uu joogay maalmihii ugu dambeeyey.

Madaxweynaha Puntland mudadii uu ka maqnaa Puntland, waxaa jiray qorshayaal kala gedisan oo uu soo baxay iyo arrimo culeyskooda leh oo ku soo kordhay dawladdiisa, waxaana ugu horeeya wax ka qabashada amaanka Boosaaso oo dawladda ku noqotey fal dhuun-gashay iyo qodobo kale oo dhamaantood lala sugayay Madaxweynaha Puntland.

Mid ka mid ah Lataliyaasha Madaxweynaha ayaa usheegay APL in uu Madaxweynuhu Puntland maalmaha nagu soo aadan mashquul ku noqon doono, arrimo hoosaadyo ka jira Xukuumadiisa oo ah muran udhaxeeya shaqsiyaad ka tirsan dawladda oo ku aadan in ay jiraan qiyaamooyin dhacay, mudadii uu ka maqnaa Puntland.

Madaxweyne kuxigeenka oo ahaa Kusimaha Madaxweynaha ayaa warbixin uusiiyey Madaxweynaha la sheegay in lugu qoray qodobo badan oo fulintooda looga fadhiyo Madaxweyne Faroole, oo mudadii uu maqnaa oo dhana lala dhowrayay.

Sidoo kale qodobada xasaasiga ah ee dhowraya Madaxweynaha Puntland, waxaa ka mid ah in uu la kulmo Odayaal ka soo jeeda gobalka Sanaag Bari ee Puntland, kuwaas oo uu horay 17- January ee sannadkan ugu diray deegaanka Galgala, si ay wada xaajoodyo ula yeeshaan Hogaamiye Maxamed Siciid Atam, oo aad uga soo horjeeda qadiyada Reer galbeedka.

Odayaashan iyo Madaxweyne Faroole ayaa lafilayaa in ay yeeshaan dood kulul oo ku wajahan xaaladaha deegaankaas iyo go’aamadii ay soo gaareen dhinacyadu, waxaana la eegi doonaan arrimo badan oo ka jira Puntland.

Fulinta go’aamo ay gaareen Maxkamadaha Puntland qaarkood, oo Odayaashu Beeluhu ka qaateen racfaan, dawladduna ka biyo diiday ayaa sidoo kale dhowraya Madaxweyne Faroole in uu xal ukeeno, iyadoo ay taasi tahay qodob xasaasi ah.

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...