Saturday 27 February 2010

Abu Mansuur: Nin ku jiro guri dhalo ah dhagax tuur ma bilaabo

Waxaa maanta fagaaraha beerta xoriyadda ee magaalada kismaayo khudbado kasoo jeediyay masuuliyiin uu kamid ahaa madaxa siyaasadda gobollada ee xarakada alshabaa Sheekh Xuseen Cali (Fiidow) iyo Sheekh Mukhtaar roobow (Abuumansuur) iyo weliba Sheekh Fu’aad Max’ed Khalaf(Shangalow), kuwaas oo ka hadlay siyaasadda iyo wleiba dhaqdhaqaayada ka jira qaar kamid ah gobollada dalka soomaaliya.


Wafdigan oo maalmahan ku sugnaa magaalada kismaayo ayaa maanta fagaaraha beerta xoriyadda ee magaalada kismaayo kasoo jeediyay khudbado kala duwan iyadoo sheikh mukhtaar roobow (Abuu mansuur) uu kamid ahaa masuuliyiinta sida weyn uga hadashay siyaasadda iyo weliba dhaqdhaqaaqyada ka jira gobollada dalka soomaaliya gaar ahaanna gobolkani j/hoose oo ay dhawaan ku dagaalameen xoogaga xarakada alshabaab iyo ururka Xizbul Islaam garabka uu hogaamiyo Sheekh Axmed Madoobe.

Sheekh mukhtaar roobow ayaa ugu baaqay xoogaga uu hogaaminayo Sheekh Axmed Madoobe oo uu ku eedeeyay in ay xiriir la leeyihiin Dowlada wadanka Kenya in ay joojiyaan dagaalada ay ku soo qaadayaan qaar kamid ah deegaanada gobolka j/hoose isagoo ka codsaday in ay ku soo biireen wilaayada islaamiga ah ee gobollada jubooyinka.

Dhanka kale Sheekh Mukhtaar roobow abuu mansuur ayaa sheegay in dowlada Kenya ay tababar u soo dhameysay ciidamo uu sheegay in ay ka soo ururisay xerooyinka qaxootiga ee ku yaal waqooyi bari dalka Kenya isagoona sheegay in hadii ciidamada Kenya ay soo qalabeysay ay xabad ku soo rideen dhanka soomaaliya in ay dowlada Kenya u horseedi doonto xasilooni darro kaga timaado dhanka Xoogaga Mujaahidiinta, waa siduu hadalka u dhigaye,

Sidoo kale Sheekh Mukhtaar roobow abuu mansuur waxaa hadaladiisii kamid ahaa ‘Nin ku jiro guri dhalo ah dhagax tuur ma bilaabo’ waxaana uu yiri ‘madfacii laga soo tuuro dhanka Kenya ee hurdada ka kiciiyo odoyaasha ku dhaqan deegaanka dhoobley, waxan uga jawaabi doonaa madfac aan ku ridno oo isna hurdada ka kicin doono odoyaashooda ku nool Dhajabuula iyo Libooyo Kenya.’ waa siduu hadalka u yiriye.

Isku soo wada duuboow masuuliyiintii halkaasi ka hadashay ayaa ugu danbeyntii waxa ay ka codsadeen shacabka reer kismaayo in ay taageeraan islamarkaasina ay ka barbar dagaalamaan xoogaga mujaahidiinta alshabaab iyagoona sheegay in ay jiraan dadaallo ay wadaana dowaldaha Kenya, mareykanka iyo itoobiya, kuwaa oo ay sheegeen in lagu doonayo in lagu burburiyo nidaamka islaamiga ah ee ka jira qaar kamid ah gobollada dalka soomaaliya.

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...