Saturday 27 February 2010

Aadan Garaase iyo Saraakiil Kale oo Ahlu Suna Ku Biiray

RBC Radio (Guricee):-Siyaasiyiin horay uga tirsanaa Dowlada Federaalka KMG Somalia ayaa ka mid noqday Xunaha Ururka Ahlusuna ee maamulo degmooyin katirsan Gobalka G/gaduud bartamaha dalka Somalia oo ay colaado ka jiraan.

Aadan Garaase duqii hore ee dowlada KMG Somalia u qaabilsanaa magaalada B/weyne ayaa la sheegay in uu gaaray degmada Guriceel gobalka G/gaduud wuxuuna halkaasi ka sheegay in uu yahay wadaad Ahlusuna katirsan.
Aadan Garaase iyo Yuusuf Dabageed oo looga awood roonaaday dagaallo bishii lasoo dhaafay ka dhacay magaalada B/weyne gobalka Hiiraan ayaa la sheegay in ay codsadeen in ay ka mid noqdaan Golaha Fulinta Kooxda Ahulsuna ee maamusha Guriceel,Dhuusamareeb iyo C/waaq.
Gudoomiyaha Golaha Fulinta Maxamed Yuusuf Xeefow ayaa Guriceel ka sheegay in Aadan Garaase iyo 11 xubnood oo kale ay kamid noqdeen golaha sare ee Fulinta Ahlusuna islamarkaana ay madax ka noqon doonaan Ahlusuna.
Ku biirista Dabageed iyo Aadan Garaase ay ku biireen Kooxda Ahlusuna waxay meesha ka saaraysaa sheegashadii dowlada KMG ah ay sheeganaysay in ay Hiiraan u joogaan ciidamo iyo Mas’uuliyiin iyada metelaya.
Ilaa iyo hadda wax war ah kamasoo bixin dowlada KMG Somalia oo ay ka bexeen saraakiil in mudda ah ugu metelayay dagaaladii Islaamiyiinta lagula jiray ee ka dhacay gudaha iyo hareeraha magaalada B/weyne.

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...