Monday 25 January 2010

Muqdisho: Faahfaahin ka soo baxay sababta keentay in Ciidamadii Madaxweyne Shariif uu lasoo galay dawladda KMG ah lugu kala daro ciidamada kale ee daw

Muqdisho(AllPuntland)- 23-kii Bishan ayaa Madaxweynaha dawladda KMG ah ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed wuxuu ku dhawaaqay in uu kala diray ciidamadii uu markii hore ku soo gaaray Kursiga Madaxweyne-nimada ee Soomaaliya, isla markaasna lasoo dagaalamay ciidamadii dawladda Itoobiya ee joogay gudaha dalka Soomaaliya.

Ciidamadaas ayaa tan iyo markii ay ku soo biireen dawladda KMG ah ee Soomaaliya, hogaankeeduna yahay Hogaamiyahoodii ee arrimaha dagaalka kula socday, ayaa waday fogeyn ay ku hayeen ciidamadii kale ee dawladda Soomaaliya, ee loogu yimid ciidan nimada dawladda Soomaaliya, sida ay APL uxaqiijiyeen Saraakiil ka tirsan ciidamada dawladda Soomaaliya.

Saraakiisha hogaamisa ciidamadaas ayaa marar badan ka hor yimid amaro horey uga yimid Wasiiradii khuseysay arrimaha amaanka, kuwaas oo ay ku sheegayaan in ay ka amar qaadanayaan oo kaliya Madaxweynaha dawladda KMG ah ee Soomaaliya.

AMISOM ayaa horey walaac uga muujisay dhaqanka ciidamadan, waxa ayna ku sheegtay in ay yihiin Maleeshiyaad isla quman, iyadoo marar ka mid xirtay Saraakiisha ciidamadaasi, sidoo kale AMISOM ayaa joojiyay la shaqeynta ciidamadaas, markii ay ku eedeeyeen in ay wax badan ka ogaayeen qaraxyo lala beegsado ciidamada Midowga Africa.

Dalalka taageerada Milateri siinaya dawladda Soomaaliya ayaa horey ugu eedeeyey Madaxweyne Shariif, in qaar ka mid ah ciidamada dawladda KMG ah ay qeyb wanaagsan ka qaataan dagaalada oo ay taageeraan mucaaradyada ka soo horjeeda dawladda ay taageerada siinayaan.

Dawladdaha Reer Yurub iyo Mareykanka ayaa horay usheegay in hubabka lasiiyo dawladda Soomaaliya, ay hadiiba gaaraan ciidamada ka soo horjeeda Siyaasadooda, ee ka dagaalamaya gudaha Soomaaliya, isla markaasna ay taasi keenayso in la joojiyo taageerada lasiiyo dawladda Soomaaliya.

In ciidamadii loo bixiyay Halgamayaashii Soomaaliya, lugu kala daro ciidamada kale ee dawladda Soomaaliya, lalana simo xaquuqdooda, ayaa ah mid ka timid Dalalka Caalamka iyo ciidamada Midowga Africa, oo la shaqeynta ciidamadaasi walaac adag ka muujiyey, markii sidaas lugu cadeeyey Madaxweynaha KMG ah Shariif Sheekh Axmed.

Ilo ku dhow dhow Shariif ayaa uxaqiijiyey APL in uusan Madaxweyne Shariif la dhacsaneyn qorshaha kala dirista, ee ay noqotey talaabo cadaadis ah oo uga timid Qaramada Midowbay iyo Midowga Africa, markii ciidamadaas lasheegay in ay yihiin kuwa aan laysku haleyn karin.

Sarkaal sare oo ka tirsan ciidamada dawladda KMG kana gaabsaday magaciisa ayaa sheegay in ay aad ula yaabi jireen hab-dhaqanka ciidamadan iyo cida maamusha, oo ay sheegeen in aan la garan jirin cid ay hoostagaan.

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...