Monday 18 January 2010

Magaalada B/weyne oo Kalabax Gelaysa iyo Gaadiid Dagaal oo Gaaray

dhaq dhaqaaqyo Ciidan oo aad u xoog badan ayaa saaka ka jirta magaalada B/weyne xarunta gobalka Hiiraan oo maalmihii lasoo dhaafay aheed meel dagaal.

Wararka nagasoo gaaraya magaalada B/weyne ayaa xaqiijinaya in Gaadiid dagaal oo aad u xoogan ay saaka iyo xalay gaareen magaaladaasi B/weyne waxaana saacad waliba lafilan karaa dagaal labada dhinac dhaxmaray.

Goob joogayaal ku sugan Deegaanka Halgan Gobalka Hiiraan ayaa xaqiijiyay in halkaasi ay ka gudbeed ku dhawaad 30 Gaari oo kuwa dagaalka ah oo wataan Xisbul Islaam iyo Al Shabaab oo dagaalka B/weyne dhinac ka ah.

Dhanka Ciidanka dowlada ee ku sugan Bariga magaalada B/weyne ayaa lasheegay in ay soo gaareen Gurmadyo kayimid deegaanka Feer Feer Ismaamulka Somalida Itoobiya waxaana hadda magaalada ka taagan xiisad colaadeed oo aad u daran

Galbeedka magaalada B/weyne oo ay ku suganyihiin Xisbul Islaam ayaa la sheegay in ay dhaq dhaqaaqyo dagaal ka jiraan,Taagerayaasha Sheekh Aweys ayaa go’aansaday in ay Bariga magaalada qabsadaan ama ay isaga baxaan Gobalka Hiiraan.

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...