Saturday 23 January 2010

Maamulka Culumaa’udiinka Ahlu sunna waljameca ee degmada Caabudwaaq oo sheegay iney qabteen saraakiil iyo ciidamo ka tirsan dowlada Somalia

Maamulka Ahlu Culumaa’udiinka Ahlu sunna waljameca ee degmada Caabudwaaq oo sheegay iney qabteen saraakiil iyo ciidamo ka tirsan dowlada Somalia oo wata gaadiidka dagaalka kuwaasoo ka mid ahaa ciidamadii ka dagaalamayey shalay ee dib looga soo saaray magaalada B/weyne.

Shiikh Mahad-khariid oo ah sarkaalka dhinaca amaanka u qaabilsan maamulka Ahlu sunna Waljamaaca ee degmada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud ayaa sheegay in ciidamada iyo saraakiishan ka tirsan dowlada Somalia ay gaarayaan ugu yaraan 25 askari ayna wateen ilaa labo gaari oo nooca dagaalka ah.

“Waxaan soo qabanay iyagoo socda meel u dhexeysa degmooyinka Cadaado, Mareergur iyo Caabudwaaq, iyagoo ka yimid dhinaca degmada Cadaado oo maamulka Ximan iyo xeeb ay ka soo celiyeen, haatana masuuliyiinta Ahlu sunna ee degmada Caabudwaaq ayey kulamo la leeyihiin” ayuu intaa ku daray Shiikh Mahad-khariid oo ah sarkaalka dhinaca amaanka u qaabilsan maamulka Ahlu sunna Waljamaaca ee degmada Caabudwaaq.

Waxaa jira warar sheegaya in saraakiishaasi iyo ciidamada la qabtay ay sidoo kale la socdeen labo xildhibaan oo ka tirsan baarlamanka Somalia oo kala ah C/llaahi Faroole iyo Xuseen Gaagaale hase ahaatee Shiikh Mahad-khariid oo ah sarkaalka dhinaca amaanka u qaabilsan maamulka Ahlu sunna Waljamaaca ee degmada Caabudwaaq ayaa ka gaabsaday inuu arintaasi xaqiijiyo ama beeniyo.

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...