Wednesday 27 January 2010

Jowhar(AllPuntland)- Madaxweynaha dawladda KMG ah ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa umagacaabay gobalka Shabeelada Dhexe ee dalka Soomaaliya maa

Shir ay magaalooyinka Muqdisho iyo Jowhar ku yeesheen Odayaal kala gedisan ayaa lugu sheegay maamulka lugu dhawaaqay mid aysan waxba ka jirin, isla markaasna ladoonayo in dhib loogu siyaado shacabka gobalka Shabeelada Dhexe, iyagoo ugu baaqay Shariif Sheekh Axmed in uusan dhibaato waqtigan usoo jeedin Shacabka gobalkasi.

Odayaashan ayaa ku sheegay Maamulkii la magacaabay mid si gaar ah u magacowday Shariif, oo aan matalin gobalka Sh/Dhexe, iyagoo sheegay in uu yahay Maamulkaas mid laga dheereeyey dadka degan gobalka, isla markaasna laga soo buux dhaafiyey shaqsiyaad ay heyb hoose wadaagaan Shariif Sheekh Axmed.

Sarkaalkii horey Shariif ugu qaabilsanaa gobalkas oo ay ka soo ceyriyeen magaalada xarakada Al- Shabaab, ayaa diiday magacaabida dhacday, wuxuuna tibaaxay in aysan haba yaraatee waxba ka jirin arrimahaasi.

Daahir wuxuu tibaaxay in uu yahay Gudoomiyaha gobalka Shabeelada Dhexe, isagoo sheegay in aysan cidna ka qaadi Karin xilka gudoomiyenimada gobalkaas, isagoo ku eedeyey Shariif in uu magacaabay rag aad iskugu dhow yihiin oo aan gobalka ku laheyn shacbiyad, waa sida uu hadalka udhigaye.

Sidoo kale qaar ka mid ah xubnihii uu magacaabay Shariif ee loo magacaabay gobalkaas, ayaa qaarkood diiday xilalkii loo magacaabay, waxa ayna qaarkood oo jooga gudaha gobalka Shabeelada Dhexe, ay sheegeen in aysan qaban doonin xilal ay leedahay dawladda KMG ah ee Soomaaliya.

Diidmada Odayaashan iyo dhinacyadan ayaa dhabar jab weyn ku noqotey Shariif Sheekh Axmed, oo ka soo jeeda gobalka laga diiday Siyaasadiisa maamul, waxa ayna shaqsiyaad aad ugu dhaw xaqiijiyeen in uusan Madaxweyne Shariif uarkeyn in ay dhici karto in sidan looga soo horjesto.

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...