Saturday 23 January 2010

Hadaad maqli jirtay Dowladii C/llaahi Yuusuf, afhayeenada Xuubsireed, Azhari iyo Bar Bari waxaa Dowlada Midnimada Qaran u soo baxay Afhayeenka Cusub P

Soomaalidu waxaa caado u ah in aysan aqoon badan u lahayn haykalka Dowladnimo tan iyo wixii ka danbeeyay Kacaankii Barakaysnaa ee uu Hogaamin jiray Madaxweyne Siyaad, oo ay u dhaqanto Jaantaa Rogan.

Marka aad maqasho Wasiirka Warfaafinta, waxa uu leeyahay shaqo' taasi oo ay hadii la waayo Booskiisa buuxin karaan Afhayeenada markaasi ay leedahay Dowlada iyo Xataa Wasiirka arimaha Gudaha.

Taasi ayada oo ay jirto ayaad waxaad Moodaa in Dowlada Midnimada Qaran ayba talaabo dhaftay tii ka horaysay ee uu Hogaminayay Madaxweyne Yuusuf, taasi oo ahayd dhaqamadeeda jaantaa Rogan oo uu hadli jiray nin walba oo ay isku haybyihiin madaxweynahaasi sida Xuubsireed, Azhari iyo Bari Bari.

Hadaad intaas aqoon jirtay waxaa soo baxay Sanadkii dhamaaday RW kuxigeenka ahna Wasiirka Kalluumeysiga Prof. C/Raxmaan Xaaji Aadan Ibbi oo aad moodo in uu talabo dhaafay.


Ibbi ayaa waxa uu goob jog ka yahay meel walba oo ay Dowlada ka hadalayso asaga oo Hilmaamay Shaqadiisii, hadii Ciidan soo baxasado waxa soo dhaweeya Ibbi' Away Hay'adihii Gashaandhiga, hadii Heshiis la saxiixayo, hadii Xilal lakala Wareejinayo Howshu waa ibbi, hadii Amisom laga hadlayo waa RW kuxigeenka ahna Wasiirka Kalluumeysiga Prof. C/Raxmaan Xaaji Aadan Ibbi.

Intaas iyo in ka badan ayaad Moodaa in ay ku talax tagtay Dowlada tabarta yare e lagu soo dhisay Jabuuti, oo aysan Muuqan in ay leedahay Haykalkii Dowladnimo oo aysan dhisnayn Hanaankii kala hagi lahaa.

Isku soo duubo Prof. C/Raxmaan Xaaji Aadan Ibbi ayaa waxa uu wadaa Howsha Dowlada sida ku cad oo waxa uu daboolaa 79%, balse dad badan waxay is waydiinayaan Dowlada Wiiro kale ma leh Miyaa, Maxaase loo wayay in Hay'ad walbaa ay shaqadeeda qabsato oo uu Prof. C/Raxmaan Xaaji Aadan Ibbi ku Ekaado kaluumaysiga iyo ku-Xigeenkiisa' oo uu la jiro Kaluumaysatada Ciidamada Amisom dhibatada ku hayso, ugana hadli la yahay Maraakiibta Shisheeye Qeyradka dabiiciga ee Xeebta dheer Soomaaliya ka Jalaabtaan Mase Howshu waa caga Wareejin.

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...