Saturday 30 January 2010

DEG DEG: C/laahi Mahdi Sayidka oo Caawa Lagu Dilay Boosaaso

Boosaaso, (RBC Radio) Waxaa goor dhoweyd kooxo hubeysan bartamaha magaalada Boosaaso ku toogteen gudoomiyihii ururka ISKU XIRKA ARDEYDA SOOMAALIYEED SSCO C/laahi Mahdi Sayidka.

Goob joogayaal ku sugan Boosaaso ayaa RBC Radio u sheegay in C/laahi Mahdi Sayidka ay toogteen niman ku hubeysnaa bastoolado kuwaasi oo madaxa ka toogtay ninka Dhalinyarada ah.

Meydka C/laahi Mahdi Sayidka ayaa goor dhoweyd la geeyey isbitaalka guud ee Boosaaso, iyadoo na loo xaqiijiyey in uu u dhintay xabadihii ku dhacay.

Ciidamo boolis ah ayaa gaaray goobta dilku ka dhacay waxaana socda baaritaan sida ay dad goob joogayaal ah sheegeen.

Rasaas badan ayaa laga maqlay goobta uu dilku ka dhacay oo bartamaha magaalada ku taalla.

Lama garanayo sababta ka dambeysa dilka Sayidka oo ahaa nin dhalinyaro ah oo aad u furfuran. Mana jirto cid la sheegay in loo qabtay dilka Sayidka.

Waxaa uu Sayidka dhowaanahan hormuud u ahaa ururo dhalinyaro oo kulamo la qaatay madaxda dowlada Puntland kuwaasi oo looga hadlayey in laga wada shaqeeyo arimaha nabadgelyada Puntland.

Waa dilkii ugu horeeyey ee loo geysto nin ka tirsan ururada dhalinyarada Puntland iyo kuwa waxbarashada oo ka dhaca Boosaaso.

Alle ha u naxariisto Sayidka.

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...