Friday 29 January 2010

Dawladda Puntland, Soomaaliya

Dawladda Puntland, Soomaaliya

Warbixin: Safaradii Madaxweynaha Puntland ku tagey waddanka bannaankiisa
Jimce, 29 Jan 2010
WARSAXAFDEED
Madaxweynaha Puntland Cabdiraxman Maxamad Farole oo muddo labo usbuuc ah safarro ku marayey Itoobiya, Liibiya iyo Jabuuti ayaa waxaa uu maanta Jan 29,2010 aqalka madaxtooyada kula kulmey madaxweynaha Jamhuriyada Jabuuti Md. Ismaciil Cumar Geelle.



Md. Farole iyo Md. Geelle ayaa kulankooda diiradda ku saarey xaaladda Soomaaliya ka taagan iyo sidii xal loogu heli lahaa iyada oo la wada ogsoon yahay in dowladda Jabuuti ay kaalin weyn ka caayaartey sidii xal loogu heli xarbi-ahliga Soomaaliya ka socdey mudada 21-ka sano ah.

Madaxweyne Farole ayaa hoggamiyaha dalka Jabuuti sidoo kale ka codsadey in xaaladda Soomaaliya ka taagan muhimadda koowaad laga siiyo shirka ururka Midowga Afrika uga furmi doona magaalada Addis Ababa. Madaxweynaha Jabuuti Md. Ismaaciil Cumar Geelle oo maanta 29 Jan,2010 u ambabaxaya dalka Itoobiya ayaa sheegey in ammaanka mandaqaddu guud ahaan khatar ku jiro haddii aan xal degdeg ah loo helin xaaladda cakiran ee ka taaggan Soomaaliya gaar ahaan Koonfurta. Halkaas oo daagaallo xooggani ka socdaan.

Madaxweynaha Puntland ayaa hoosta ka xariiqey in amni darrada maalmahan ku soo korortey Puntland iyo Somaliland ay salka ku hayso xaaladda ka sii dareysa ee ka taagan Koonfurta & gobolada dhexe ee Soomaaliya. Taas oo cabsi weyn laga qabo iney saameyn ku yeelato Jabuuti iyo waddamada dariska badda kala ah sida Yamen.

Dhinaca kale safarkii madaxweynaha Puntland ku tagey dalka Itoobiya ayaa guul ku soo dhammaadey iyada oo uu halkaas kula kulmey madaxda dalkaas iyo safiirada hay'adaha caalmiga ah ka jooga Addis Ababa. Kulamada Faroole la yeeshey Itoobiya ayaa ka hadlayey xaalka Soomaaliya iyo kaalinta Itoobiya ay kaga jirto xal u heliddiisa iyada oo la sheegey inuu muhiim yahay xiriirka u dhexeeya Puntland iyo Itoobiya.



Safarkii Madaxweynaha Puntland ku tagey dalka Liibiya ayaa dhinaca kale ku soo dhammaadey guul isaga oo la kulmey ra'isal wasaaraha iyo Madaxweyne Qadaafi. Kuwaas oo ka wada hadley arrimaha Soomaaliay. Madaxweynaha Puntland ayaa madaxda dalkaas kala hadley sidii Puntland ay u tageeri lahaayeen iyada oo uu xusey in dalka Liibiya qayb libaax ka qaatey xiligii dhidibada loo aasayey maamulka Puntland. Madaxda Liibiya oo uu madaxweyne Qadaafi ugu horreeyo ayaa ballan qaadey inuu tageeri doono maamulka Puntland iyo guud ahaan Soomaaliya.

Maamulka Puntland ayaa waxaa ka go'an sidii codka shacabka ku dhaqan mandaqaddu u gaari lahaa caalamka isaga oo geed gaaban iyo mid dheer u fuuli doona madaama ay yihiin kuwo nabadda iyo hurumarka jecel..

Xafiiska Madaxweynaha
Dowladda Puntland

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...