Friday 22 January 2010

Cusbitaalka Weyn ee Gaalkacyo Oo Maalinta Sabtida dib u hawlagalya

Dr. Dr, C/laahi Xirsi Axmed (jeesare)

Gaalkacyo (RBC):- Hoolka shirarka ee Cusbitaalka weyn ee Gaalkacyo, ayaa maalintii Khamiistii waxaa ka dhacay kulan balaaran oo Isbitaalka dib boorka looga jafayo.

Kulankan ayaa ka danbeeyey kulamo isdaba jooga oo ay yeelanayeen Maamulka Cusbitaalka, Dhakhaatiirta iyo ganacsatada daawooyinka ee Gobalkan, waxayna ka wada arinsanayeen sidii cusbitaalka guud dib loogu furilahaa bulshada.

Agaasimaha Cusbitaalka Guud Drs.Maymuuna Faarax Samatar, aya saxafada u sheegtey in cusbitaalka guud uu si rasmi ah u hawlgali doono Maalinta Sabtida ee 23-ka bishan, waxaana ay sheegtey in dhakhaatiirtu ay isku raaceen kulamadii maalmahan u socdey inay cusbitaalka fariistaan ayna u adeegaan bulshadooda.

Drs. Maymuun waxay sheegtey in cusbitaalka Gaalkacyo uu sanadihii u danbeeyey ahaa mid hawlihiisa shaqo ay noqdeen kuwo gaabis ah, taasna ay keentey kadib markii cusbitaalku waa cid taageero siisa, ayna ka baxdey hay’adii gacanta ku haysey ee MSF Holland, waxayna tibaaxdey in dhakhaatiir la’aani uu cusbitaalku u dumey, iyadoo imika cadeysay in dhakhaatiirta Gobalka Mudug ay balan qaadeen inay ka shaqeyn doonaan cusbitaalka oo mid kasta uu maalin fariisan doono uuna adeegidoono bukaanada.

Drs. Maymuun Faarax Samatar

Dhakhaatiirta Fariisan doonta Cusbitaala ayay sheegtey maymuun inay garayaan lix dhakhtar oo Gobalka si wanaagsan looga yaqaano kuwaas oo hadana kala takhasus duwan, waxaana dhakhatiirtan ka mid ah.

1. Dr. Dr, C/laahi Xirsi Axmed (jeesare), qaabilsana qaliimada (Surgical)
2. Dr.Maxamed Cabdi , Qaabilsan daaweynta (Medical)
3. Dr. Axmed C/laahi Faarax, qaabilsan indhaha
4. Dr. C/risaaq Taabilo , qaabilsan daaweynta (Medical)
5. Dr. Cabdi Jaamac, qaabilsan cudurada caruurta iyo
6. Drs. Maymuun Faarax Samatar, qaabilsan cudurada haweenka ku dhaca.

Dr. Jeesare oo ka hadley shirkan ayaa sheegay inay dhakhatiirtu diyaar u yihiin inay bulshadooda u adeegaan, horeyna ay ugu adeegi jireen, waxaana uu bulshada ka codsaday in cusbitaalka tageero u fidiyaan uuna yahay mid umada loogu adeego aysana wax ka sugin hay’ad.

Dr Cartan

“Waxaan anagu diyaar u nahay hadaan dhakhaatiirta nahay inaano cusbitaalka ka shaqeyno, sidoo kale wixii Contribution-ah ee nalooka baahdo diyaarbaan la nahay, laakiin bulshadu waa inay garataa danteeda oo ay cusbitaalkooda u soo jestaan, ganacsatada dawoyinkana waan u mahadcelin maadama ay dawooyin ku deeqeen” ayuu yiri Dr. Jeesare

Shaqaalah Cusbitaalka Guud ayaa iyaguna sheegay inay shaqadooda gudan doonaan, horeyna aysan u joojin balse ay waayeen waxay bulshada ugu adeegaan oo ah daawo, taasina ay keentey inay cusbitaalka wajiyadooda ka qariyaan.

Cisbitaalka Guud ee Gobalka Mudug ee Magaalada Gaalkacyo

Qeybta Qaliinaka ee Cisbitaalka Guud ee Gobalka Mudug

Sikastaba ha noqotee, Cusbitaalka guud ee Gaalkacyo ayaa dhisan sanado badan, cusbitaalka ayaana hawlihiisa shaqo si baaxad leh u wadan jirey xiliyo waqtigan ka kharaar oo ay dagaalo sokeeye socodeen, waa nasiib daro weyn in cusbitaalka Gaalkacyo uu xirmo iyadoo bulshadu indhaheeda ku aragto, cusbitaalka waxaa ka muuqda dayac aad u weyn kaasi oo u baahan in wax laga qabto, sidoo kale Cusbitalka ayaan wax daawo ah gacanta ku hayn, hadana uga fadhiya daawooyooyin iyo taageero kaleba shacabka Gobalkan ee iska leh cusbitaalka.

Abdulkadir Warsame
RBC Radio, Gaalkacyo

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...