Saturday 23 January 2010

Ciidamadii Daraawiishta dowlada Somalia oo maanta la shaaciyey in la kala diray, loona qeybiyey ciidamada Booliska milateriga, asluubta iyo nabad sugi

Madaxweynaha dowlada Somalia Shariif Shiikh Axmed ayaa maanta soo saaray wareegto lagu kala diray ciidamadii daraawiishta Dowlada Somalia oo ahaa kuwii ugu awooda badan ee dowladu heysatay, waxaana lagu xusay wareegtada in ciidamada lagu kala daray kuwa kale ee dowlada sida Booliska milateriga, asluubta iyo nabad sugida, waxaana madaxweyne Shariif oo ka hadlayey munaasabad arintaasi la xiriira oo ka dhacday xarunta madaxtoyada ee magaalada Muqdisho uu sheegay in sababaha loo kala diray ciidamada ay ka mid yihiin sidii loo xoojin lahaa ciidamada kale ee dowladda.

Waxaana wareegtada lagu kala diray ciidamada ee ka soo baxday xafiiska madaxweynaha ay u qorneyd sidatan:-

Jamhuuriyadda Soomaaliya

Xafiiska Madaxweynaha

1 Republic of Somalia

Office of the President

XEER MADAXWEYNAHA J.S. Lr.JS/XM/06/2010 taariikh 23/01/2010

Kala dirid Ciidanka Daraawiishta Soomaaliyeed.

MADAXWEYNAHA J.S.

MARKUU ARKAY:- Qodobka 39aad faqrada 1aad xarafka “b” & faqrada 2aad, Qodobka aad, faqrada 71aad faqrada 2aad ee Axdiga FKMG.

MARKUU ARKAY:- In loo baahday in Ciidanka Daraawiishta ay ilaa xad guteeb waajibaadkii Loo unkay laguna kala biiriyo Ciidamadda Dalka ka jira haatan.

MARKUU GARWAAQSADAY: Xaaladda Nabadgalyada Guud ee uu dalku marayo, iyo baahida loo qabo Dib u habeyn lagu sameeyo Maamulka Ciidamadda Dalka Soomaaliyeed ayna lama-huraan noqotayin la kala diro Ciidanka Daraawiishta Soomaaliyeed.

Wuxuu soo saaray xeerkaan:

Qodobka 1aad

Laga bilaabo maalinta uu Madaxweynaha saxiixo Xeerkaan, waxaa la kala diray Ciidanka Daraawiishta Soomaaliyeed, ayadoo ay ku kala biiriyaan qeybaha kale ee kala duwan ee Ciidamadda dalka:

b-Xoogga Dalka Soomaaliyeed,

t- Ciidanka Booliska Soomaaliyeed,

J-Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed. &

x-Ciidanka Nabad-sugida Soomaaliyeed.

Qodobka 2aad

Xeerkaan kala diridda Ciidameed ah wuxuu dhaqan galayaa markuu saxiixo Madaxweynaha, waxaa lagu soo saarayaa Faafinta Rasmiga ah ee Jamhuuriyadda Soomaaliya.

MUQDISHO. 23/01/2010.
MADAXWEYNAHA J.S.
Shariif Sheekh Axmed

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...