Sunday 24 January 2010

Beelaha Koonfurta Mudug Qaarkood Oo Ka Soo Horjeestay Maamulka Cusub ee Galmudug.


Gaalkacyo (RBC):- Odayaasha dhaqanka Beelaha koonfurta Gobolka Mudug qaarkood ayaa si weyn uga soo horjeestay maamulka cusub ee koonfurta Gaalkacyo ee Galmudug, islamarkaana sheegay inaysan aqoonsaneyn, lana shaqeyn doonin maamulkaasi.

Odayaashani oo ku hadlayay Wakiilo beeleed, ayaa warbaahinta ka sheegay in maamulka jira uu yahay mid aan loo dhameyn, islamarkaana aan waxba laga weydiin dhismihiisa Odayaasha dhaqanka ee beelaha dega dhulka maamulkaasi ka arimiyo, taasina ay noqonayso mid buuq iyo rabshado siyaasadeed dhalin karta.

Qeybahani dhaqanka ayaa waxaa ay ku andacoonayaan in maamulka Galmudug uu ansax ku noqon karo in loo maro wadada saxda ah, taasi oo ay ula jeedaan in wax la ga weydiiyo Duubabka dhaqanka, si meesha looga saaro in qola kasta la duudsiiyo xaqa ay ku leedahay maamulkaasi.

Cali Diiriye Aloore oo katirsan Nabadoonada Koonfurta Gobolka Mudug ayaa ka mid ahaa Odayaasha saluugsan sida maamulkaani wax u wado, waxaa uuna ku sifeeyay maamulka jira mid ku meel gaar ah, oo loo wakiishay inuu hayo talada 6-da bilood ee soo socota, kadibna uu meesha ka bixi doono, taasi oo ay go’aan ku gaareen gudigii xalinayay khilaafkii horey uga dhex taagnaa madaxda Galmudug.

Nabadoonku waxaa uu si kulul u weeraray Madaxweynaha Galmudug Axmed Maxamed Caalin oo uu ku sheegay inuu yahay nin magaalada Muqdisho lagu soo dhoodhoobay, wax is bedel ahna aan u keeni karin aayaha maamulkaasi.

Dhinaca kale waxaa ay Odayaashani ka soo horjeestay maamulka Galmudug ee koonfurta Gaalkacyo ay ku baaqeen in nabada laga shaqeeyo labada dhinac ee Puntland iyo Galmudug, isla markaana la tixgaliyo danaha iyo is dhexgalka shacbiga reer Gaalkacyo.

Nabadoon Cali Diiriye Aloore oo si kulul uga hadley arimaha maamulka Galmudug ayaa dadka u dhuun daloola siyaasada Galmudug, waxaa ay ku sifeeyeen in uu aad uga xanaaqey kadib markii laga reebay xukuumada uu haatan soo dhisay Madaxweynaha Galmudug, isagoo horey Wasiirka Arimaha Gudaha uga soo qabtey Xukuumadii hore ee maamulkaasi ee uu khilaafku kala burburiyay.

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...