Tuesday 22 December 2009

Muqdisho: Shariif Sheekh Axmed oo qiray in ay kutalo jiraan yareynta Xukuumada Soomaaliya.

22. december 2009

APL


Tool

Send This Article To A Friend By Email | Saaxiibkaa warkaan ugu dir Email

Print This Article | Daabaco warkaan
Muqdisho(AllPuntland)- Madaxweynaha dawladda KMG ah ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed oo shalay la hadlayay Mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya, ayaa dhaliil ba’an ku sheegay Wasaaraddaha tirade badan ee dawladda KMG ah ee Soomaaliya, isagoo sheegay in ay hada ku howlan yihiin sidii ay wax badan uga qaban lahaayeen arrimahaasi.

Shariif wuxuu sheegay in ay deeq bixiyaashu aad uga walaacsan yihiin Wasiirada tirada badan ee ka dhisan dalka aanu daganaanshaha iyo nabadu ka jirin ee Soomaaliya, isagoo sheegay in ay Caalamka diideen in ay caawiyaan Wasaaraddahaas tirada, hadana tayada daran wuxuuna ugu baaqay Mudanayaasha baarlamaanka in ay codkooda ku biiriyaan Xukuumad tiro, tayo badana leh.

Mudanayaasha qaarkood ayaa cod dheer ku taageeray qaraarka Madaxweynaha dawladda KMG ah, inkastoo aan la garan Karin sida ay xaajadu noqon karto, hadii ay shaqada waayaan wasiiro badan oo maanta ku baratamaya hogaanka dawladda KMG ah ee Soomaaliya,iskuna haysta in ay awood buuxda ku dhex leeyihiin gudaha Siyaasadeed ee dawladda KMG ah ee Soomaaliya.

Deeq bixiyaasha iyo dalalka siyaasad ahaan taageersan Maamulka KMG ah ayaa diiday in ay bixiyaan dhaqaale badan oo ay balan qaadeen, markii ay tirada ka bateen xubnaha golaha Wasiirada ee Soomaaliya, iyagoo hordhigay madaxweynaha iyo Raysalwasaaraha in ay go’aan kama dambeys ah ka gaaraan arrimaha ku wajahan dhismaha golaha Wasiirada.

Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed wuxuu horay usheegay in ay go’aan cad ka qaadan doonaan Wasiirada tirada badan, isagoo sheegay in ay ka soo saari doonaan Wasiiro tiro yar oo tayo badan, waxaana ay Beesha Caalamku sheegeen in ay caawin doonaan 18 Wasaaradood oo kaliya.

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...