Thursday 24 December 2009

Mogadishu 22 December 2009 Waagacusub Media.
Waxay ahayd Arroor Khamiis ah bisha December ay 3 tahay, waxaan kamid ahaa wariyayaal lagu marti qaaday inay goobjoog ka ahaadaan xaflad si heer sarre ah loo soo agaasimay oo qorshuhu ahaa in ay ka dhacdo Hotel Shamow, anigu waxaan daganaa xaafad ka durugsan halka xafladu ka dhaceysay, aniga oo maanka kuhaya xaflada ayaa hadana waxaa daqiiqado kadiba ila soo xirrirayay Mohamed oo kamid ahaa ardayda Jamicadda Banaadir oo aan telephonka un isaka baranay balse aanan wali is arag, mohamed waxaa uu igu lahaa Ayaanle saxiib addiga ayaa lagu sugayaa xafladina wey bilaaban rabtaa, runti ma xusuusto saacadu inta ay ahayd, waxaan ka soobaxay xaafaddi aan daganaa, waxaa iwehliyay wiil aan saxiib nahay oo Mohamed joqombe la yiraahdo dhexda ayaa waxaa inaga soo raacay wiil kalle oo yarka saxiibkey ah ay is garanayeen oo C/qadar un aan magaciisa ka xusuusto.

(subaxaas waxaan ku tallo galayay in Barnaamijkan Qalin jabinta Jamicadda aan xooga saaro, si aan shaqsiyan qeyb uga qaato dhiirigalinta howlaha noocan ah ee bulshadda mustaqbalka u ah.

waxaan gaari dhiganay guri aan ka fogeyn Hotel shamow , waxaanan ka soo lugeynay aniga iyo asxaabti ila socotayba halkaas, talada in gaariga aan halkaas dhigano waxaa lahaa Mohamed joqombe oo ku taliyay in irridda Hotelku ay mashquul noqon karto, sidaa darteed aan gaariga halkan iska dhigano.
waxaa inagu soo biiray oo isna halkaa igu sugayay Mohamed Olad oo ah wariye ushaqeya AP, iyo BBC da

waxaa telephonka ii soo galay Mohamed oo aan usheegay in aan irrida usoo dhawahay waxaa uu inooga horyimid banaanka Hotelka isaga oo gacanta ku hayay waraaqihii casumaada, Mohamed waxaa uu ku labisnaa shaar cad iyo surwaal aan umaleynayo inuu madoobaa, waxaa u xirneyd dhexda qiyaastii wuxuu ahaa 27 jir, jir ahaan dhisan aadba uquruxbadan.

Geerida waqtigeeda waa arrin eebe ugaar ahe, Mohamed waxaa uu aniga iyo asxaabti ila socotayba ina geeyay kuraasta hore ee xafladda, dad badan oo madax iyo marti leh ayaan halkaa isku salaanay.

Aniga waxaan fadhiistay Safka Labaad, gacantaadda midig marka aad hoolka xaflada gasho kana soo jeesato dhanka masraxa, waxaa iga horeyay hal saf oo ay wada fadhiyeen xusuusteyda Prof Caddow, Dr. Dufle, qof kalle oo aan hayn iyo gabar xog hayn u ahayd wasiirad Qamar Alaha uraxmadee.

xiligi aan imid waxaa socday Flim ka sheekeynayay heerarka ay soo martay jaamicada Banaadir iyo horumarka ay sameysay, waxaan daawanay Flimkaasi oo marka qeyb waliba hormuudkeeda soo gallo ay ardayda sacab iyo qeylo farxaded isku darayeen

asxaabti ila socotayna hal saf ayay iga sii dambeeyeen oo halkaa ayaa fadhi looga hellay, waxaan Recorder aan watay aan saartay miiska masraxa si aan qudbadaha uduubto, anigu shaqsiyan maqabin war war ama cabsi ah armey wax dhacaan, xaqiiqdi aad ayaan ugu faraxsanaa xafladda oo ma ahayn wax la qiyaasi karray.

Waxaa goobta joogay Gabdho iyo Wiilal si quruxbadan u labisan oo aad dareemeyso in laga soo shaqeeyay xafladda oo waqti iyo maskaxba la galiyay.

Waxaa bilowday qudbado gaar ahaa oo la siiyay martida qaar iyo ardayda jaamicadda waxaa xilgay riwaayad gaabnayd oo ay ardayda jaamicadu matalayeen oo kahadleysay dhiirigellinta waxbarashadda.

marki riwaayada oo aad uxiiso badneyd aan daawanay ayaa waxaa inaloo keenay sharaab iyo macmaacan waxaan cabnay sharaabkii waxaan xusuustaa runtii in Prof Caddow isaga oo aan hadlin uu gacanta isaga diiday sharaabkii, qof aanan xusuusan ayaa yiirri wuu soomanyahay wasiirku

ilaah amarki aniga waxaan is irri waqti dheer ayay xafladu socondoontaa ee maad wareysatid gudoomiyaha jaamicada, oo isagu in yar kahor kamid ahaa masuuliyiinti halkaa ka hadashay,

waxaan mohamed joqombe oo saxiibkey ahaa ka codsaday inuu Recorder-ka iiga soo qaado miiska masraxa maadama ay Camerado badan ku jeeden halkaasi.

Mohamed waxaa isaga oo aan ku faraxsaneyn oo jecel in qudbadaha aan duubto uu isoo qabtay Recorderka waxaana uu ii raaciyay hada ayay qudbaduhu kulul yihiin ee maad duubatid,

ilaah amarki ayay wax waliba ku socdaan aniga waan ka baxay Hoolka oo waxaan dibada ugu tagay Gudoomiyaha Jaamicadda waan isku sheegay kadibna wuu iga aqbalay in aan wareysto,

waxaa uu iqabtay gacanta iina kaxeeyay qol yar oo kudhawaa hoolka xafladu ka dhaceysay wareysigii ayaan bilaabay qiyaastii 4 daqiiqo meelaha marki aan ka soo maqanahay hoolka ayuu qaraxu dhacay,

waxaan miyir helay aniga oo meel dame oo dhulka ah jiifa, markiba waan istagay waxaanan arakay dhiig garabka iiga yaalla, waan is taabtay dhaawac ayaan iska waayay, waxaa ii muqday dhalinrado qaraxa kadib qolka orad ku soo galay oo aan is leeyahay malaxa way gabanaayan anigu xiligaa waxaan hubaa in ay wax dhaceen lakin waxa ay yihiin iima cadda, waxaan bilaabay in aan su,aalo dadki ila joogay qof ila hadlana waan waayay , xitaa gudoomiyihii jaamicada Dr.Mohamed Macalin Muse wuu taaganyahay hadalna malahayn oo ilama uusan hadlin waxaana uu eegayay dhalinyaro daadsaneyn gudaha iyo dibada qolka aan ku jirnay.

wali dadku hadal malaha waxaan xusuustaa cod aan hubin qofkuu ahaa oo marka aan isku dayay in aan qolka kabaxo oo aan aado bananka iyo hoolka qaraxu ka dhacay igu yirri, Ha aadin qarax kalle ayaa dhici kara,,,waan ka joogay waxaana xigay qeyladda dadka oo ogaaday in ay wax dhaceen, iyo dhaawaca oo qeylo ah ina caawiya kuwi karay ay bilaabeen

waxaa iimuuqday dad badan oo aan garanayo oo dhaawac iyo meydba leh, kuwaasi oo daadsan gudaha hoolka iyo dibada waxaan bilaabay in aan raadiyo asxaabti ila socotay balse nasiib wanaag iyagu inti aan wareysiga ku jiray ayay xaflada ka baxeen oo banaanka ayayba jireen

waxaan arkay yar aan aad isugu dheereyn oo sawor qaade ahaa Cumar faaruuq oo dhaawac ah oo dhuunta ay birro uga jiraan, waxaan qabtay garabka gaari ayaan saaray waxaa isaga oo cacaraya madaxuna aad ubararay dhiigna iiga muuqan, oo aan hadli karayn aan gartay Yaasir oo kamid ahaa asxaabta aan si wanaagsan u aqiinay bas meesha yiilay ayan isna wax ka saaray.

dib ayaan ugu soo laabtay hoolka waxaana nin oday ahaa ku qey linayay dhawaca qaadda oo meydka ha inoo dambeeyo, waxaa iigu xanuun badneyn markan arkay hooyo ku dul barooraneysa wiilkeeda oo aan xaalkedu caadi ahayn, hadii aan eegaba waa yarki Mohamed ahaa ee xaflada igu soo dhaweeyay oo meyd ah, walaahi waxaan cellin waayay ilinta, waxaana isku dayay in aan sabarsiiyo hooyo

Bal maxaa hooyadaas uga xanuun badan dhibatada gaartay Ilaahay mid kawanaagsan ha ugu badalo kuwa uharayna ha u hagaajiyo

meesha musiibadu ka dhacday waa halkii aan fadhiyay iyo kuraas ii dhaweyd waxaan ogaaday in waxa dhacay aysan dusha ka iman oo laba ay mid yihiin

1. wax dhulka lagu sii aasay kahor xaflada ama walxaha qarxa oo qof uu meesha uga tagay .

waxaan qaadan waayay oo aan filli waayay in qof ibnu aadam ah uu ku fakiri karo in meel sidan ah uu qarxiyo, waxaa aan dareemay aniga in aanan caadi ahayn oo hawo qaadashada ayaa igu yareyd

waxaan aaday dhanka halkii gaarigu iiyiilay, waxaan galay guri udhawaa halkaa oo dad aan garanayo ay daganaayeen dharki ayaan iska siibay dhiiga lahaa, waxaa igu sii kordhay xanuun jirka ah oo aan dareemayay iyo naqaska oo igu sii yaraanaya,

waxaan lahadlay yar pharmacy ku lahaa Zope waxaana uu ikeenay dawooyin iyo masaajo jirka lamariyo,

ilaah mahadi xanuunki wuu iga yaraaday si wanagsan oo aan kuhawo qaadan karana waan useexday,

wixi dhacay ma ahayn wax uu qof damiir lihi oo arkaa uu kasheekeyn karay waxaa uun la shekeyn karay qof ka fogaa,

dhacdadaasi waxay aniga si gaar ah iigu reebtay murugo aan kala go,la hayn waxaan igu yaraaday hurdadii xiliga habeenki, oo waxaan xusuusanayaa wixi dhacay iyo arxan daradii maalintaa lagu beegay.

maalin kadib markii musiibadaasi dhacday ayaa waxaa dalka Canada igala soo hadlay oday ka xumaa wixi dhacay oo iskugu key sheegay inuu reer B/weyne yahay, waxaa uu iishegay in madaxda mesha lagu laayay uu garanayo kuligood

waxaa uu iisheegay in 4 ta wasiir 3 da dhimatay iyo kan dhaawaca ahba ay reer B/weyne ahaayeen

Walaahi xiliga aan qoraalkani sameynayo, maqiyaasi karo sida aan ahay, waan kaa raali galinayaa hadaad ku aragto qalad xaga qoraalka ah,

ilaah waxan uga baryayaa inti dhimatay raxmadiisa waa saca ah, inta ku dhawacantahay falkaas iyo falalka lamid ka ahaaba caafimaad sareec ah, eheladoodi iyo umada soomaaliyeedna samir iyo imaan.

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...