Sunday 27 December 2009

Kalfadhiga Baarlamaanka Somalia oo maalintii labaad dib u dhacay ka dib markii uu buuxsami waayay kooramkii uu ku furmi lahaa kulanka

Waxaa maanta mar kale dib u dhacay kalfadhiga mudanayaasha Baarlamaanka kaddib markii mudanayaasha baarlamaanka isugu yimid fadhigaasi ay buuxin waayeen kooramkii uu kulanka ku qabsoomi lahaa, isla markaana uu soo xaadiri waayey afhayeenka baarlamaanka Sheekh Aadan Madoobe.

Kulankan oo maanta lagu waday mar kale inuu ka dhaco xarunta gobolka Banaadir ayaa waxaa looga doodi lahaa ajendayaal fara badan oo hor yaalla baarlamaanka oo u badan ansixinta qorshayaal ay u soo gudbiyeen golaha wasiirrada tan iyo intii uu baarlamaanka fasax galay dhowr bilood ka hor.

Xildhibaanada baarlamaanka kuwooda ku sugan magaalada Muqdisho waxaa looga yeeray inay iska soo xaadiriyaan kulanka baarlamaanka, halka kuwa maqana uu guddoomiyaha baarlamaanka ku wargeliyay inay muddo toban maalmood ah ugu soo laabtaan dalka kana qayb galaan kalfadhiyada Baarlamaanka.

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...