Thursday 31 December 2009

DF oo sheegtay in horaanta 2010-ka ay wax weyn ka badali doono gacan kuheynta Muqdisho.

30. december 2009
Muqdisho(AllPuntland)- Wasiiru dowlaha Wasaaradda Arrimaha gudaha ee dawladda KMG ah ee Soomaaliya C/rishiid Maxamed Xidig ayaa sheegay in ay qaadi doonaan maalmaha nagu soo aadan guluf dagaal oo xoog leh, kaas oo ay kula dagaalamayaan mucaaradyada hubeysan ee ka soo horjeeda hanaankooda Maamul.

Wasiiru dowlahan oo Wariyaasha kula hadlayay magaalada ay dawladdiisu ka maamusho 2 KM, ayaa sheegay in ay Siyaasadooda iyo shaqadoodaba ay geyn doonaan 16-ka degmo ee magaalada Muqdisho ay ka kooban yahay, isagoo tibaaxay in ay la wareegi doonaan gacan ku heynta deegaanadaasi, oo uu sheegay in ay hada maamulayaan Kooxaha ka soo horjeeda.

Xidig ayaa sheegay in ay dagaal gali doonaan Al- Shabaab & Xisbul Islaam oo aad uga soo horjeeda AMISOM iyo dawladda KMG ah ee Soomaaliya, isagoo tilmaamay in ay hada diyaar yihiin ciidamadii qaadi lahaa howlgaladaasi, isagoo ugu baaqay Shacabka magaalada Muqdisho in ay taageeraan ciidamada Xukuumadiisi.

Wasiiru dowlahan oo la weydiyey sida ay run unoqon karto maadaama hadalkiisan oo kale mudo lasoo waday, ayuu sheegay in ay hada noqon doonto markii ugu dambeysay ee xal laga gaarayo arrimaha magaalada Muqdisho, isagoo tibaaxay in gacanta dawladdiisa ay noqon doonaan kuwa ku jiro gobalo badan oo kuyaala dalka Soomaaliya, oo ula jeeday Jubooyinka, Shabeeloyinka, Baay iyo Bakool.

Cabdirishiid Maxamed Xidig wuxuu shaaciyey in horaanta sannadka 2010-ka oo ay halmaalin ka dhiman tahay, ay arki doonaan Shacabka Soomaalidu isbadal ku yimaada hanaanka magaalada Muqdisho, wuxuuna cadeeyey in ay dagaal diyaar uyihiin.

Dagaalada ka dhaca inta badan gudaha magaalada Muqdisho ayaa khasaaraha ugu badan ee ka soo gaaraa Shacabka Soomaaliyeed, maadaama dushooda lugu dagaalamo, inta ka nabad gashana in lugu dul dagaalamana ay guryahooda ugu tagaan xabaduhu, iyadoo ay taasi jirto ayaa hadana dhinacyada ku loolamaya maamulida gobalada Koonfureed ee dalku ay sii wadaan dagaaladooda.

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...