Thursday 31 December 2009

DF oo sheegtay in ay hayaan cadeymo muujinaya Qaraxyo la maleegayo.

31. december 2009


Send This Article To A Friend By Email | Saaxiibkaa warkaan ugu dir Email

Print This Article | Daabaco warkaan
Muqdisho(AllPuntland)- Dawladda Faderaalka ee Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in ay heshay xog cad oo cadeynaysa jiritaanka weeraro qaraxyo ah oo la filayo, in lugu weeraro dawladda KMG ah ee Soomaaliya.

Yuusuf Max’ed Siyaad oo ah Wasiiru dowle gaashaandhigeed oo ka tirsan dawladda KMG ah lana hadlay Warbaahinta ayaa uxaqiijiyey sugnaanshaha warkan, isagoo sheegay in lugu weerari doono xarumaha dawladda Faderaalka ee Soomaaliya.

Indha-Cadde wuxuu tibaaxay in ay hayana cadaymo muuqda, isagoo sheegay in uusan lamid aheyn warkan warar ay marar badan faafiyeen xubno ka tirsan dawladda KMG ah ee Soomaaliya.

“ Wararka aan ka hadlayo waa xaqiiq mahan, kuwa la mid ah hadaladii ugu dambeeyey ee lasheegayay maalmihii ugu dambeeyey, sugnaanshahooda waxaan ka helay laamaha Sirdoonka ee dawladda Soomaaliya” Ayuu yiri Yuusuf Max’ed Siyaad oo ku faraxsan sheegida warkan.

Wasiiru dowlaha Gaashaandhiga ee dawladda KMG ah oo ka talisa dhul dhan 2 KM, oo kuyaala qeyb ka mid ah magaalada Muqdisho, ayaa sheegay in ay qaadi doonaan talaabo cad oo ay ku wajahayaan mucaaradyada ka soo horjeeda dawladda Faderaalka ee Soomaaliya.

Hadalka dawladda KMG ah ka soo baxay ayaa ku soo beegmaya xili ay Al- Shabaab balan qaaday weerar ay ku wajahayso dawladda KMG ah ee Soomaaliya, iyadoo shegtay in ay talaabooyin cad ka qaadi doonaan qolo kasta oo ka soo horjeeda mawqifkooda.

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...