Saturday 26 December 2009

Dawladda federalka Soomaaliya oo ku gacan sayrtay inay jiraan wax dhex-dhexaadin ah oo laga dhex wado kooxaha Mucaaradka ah iyo ayaka

Ra'iisul wasaare xigeenka ahna wasiirka kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda dawladda federalka Soomaaliya C/raxmaan Xaaji Aadan Ibbi oo la hadlayay Wargeyska ka soo baxa dalka Sacuudi Carabiya ayaa ku gacan sayray inay jiraan hindisayaal gudaha iyo dibada ah oo lagu dhax dhaxaadinayo dowladda federalka Soomaaliya iyo xoogagga ka soo horjeeda.

Prof. Ibbi ayaa sheegay in qorshayaashii hore ee uu soo bandhigay Madaxweynaha dowladda Soomaaliya ay fashil ku dhamaadeen sababo la xiriira dhinacyada ka soo horjeeda dowladda oo aan dooneyn wax aan ka aheyn sii wadida dagaalada ay ku doonayaan in ay xukunka kaga turaan dowladda federalka Soomaaliya.

Waxa uu intaasi ku daray in aanay xiligani jirin wax qorshe ah oo ku saabsan dhax dhaxaadinta dhinacyada isku haya Soomaaliya marka laga reebo aragtida Masar ay ku soo bandhigtay Shirkii kooxda xiriirka Caalamiga ee magaalada Jidah ee ku aadanaa in dhamaan dhinacyada isku haya Soomaaliya ay aqbalaan dadaalo kasta oo dib u heshiisiineed oo lagu doonayo in lagu soo afjaro hardanka Siyaasadeed ee Soomaaliya ka taagan.

ugu dambeyntii wasiirka kalluumaysiga iyo khayraadka Badda wuxuu ku eedeeyay dowladda Eritrea in ay taageerto dhinacyada ka horjeeda dowlada, uguna baaqay dowladaha Carabta in ay taageeraan dowladda Soomaaliya, wuxuuna dhinaca kale rajo ka muujiyay in Ciidmada Booliska iyo ku Melateriga ay waqti dhow la wareegi doonaan amaanka dalka Soomaaliya.

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...