Monday 28 December 2009

CARQALAD SOO WAJAHDAY HABSAMI U FULINTA MID KA MID AH HESHIISKII NABADDA GAALKACYO EE MAALINTII SHALAY.

Mid ka mid ah qodobbadii ay maalintii shalay ku heshiiyeen guddiyadii Puntland iyo GalMudug ayaa maanta fulintiisa carqaladi ka hor timid kaas oo ahaa in suuqii dagaalku ka biloowday dib loo furo,kaas oo carqalad ku noqon kara meel marinta qodobbadii horay loo hirgaliyay ee kala ahaa xabad joojinta iyo goobohoodii ku celinta ciidamadii dagaalamay meeshana ka saari karta sii ambo qaadidda arrimaha dhiman.

Carqaladdaan ayaa timid ka dib markii ganacsatadii suuqaasi qaybta Puntland ay sheegeen kuna adkaysteen saaka in suuqa aysan furaynin ilaa la keeno ciidamo tuute wata oo ka tirsan kuwa maamulkaasi Puntland walina u xiran halka ganacsatada Galmudug ay albaabada u fureen inta badan qaybtoodii.ilaa iyo haddana ma cadda sababta keentay go.aankaan ka badalin kuwii ka horeeyay ee ahaa in suuqu noqdo mid ka caagan ciidan siyaasadeed balse loo sameeyo ciidan ganacsatada ku kooban

Soo shaac bixidda arrintaan ka dib ayaa Wabsaydka Dayniile waxaa uu xiriirro la yeeshay qaarka mid ah qaybaha arrintaasi khusayn karto oo ay ka mid yihiin masuuliyiin ka tirsan Puntland oo ku gaabsadeen in ganacsatadu yihiin kuwa fidnooyinkoo dhan iyo maja xaabooyinka ka dabbeeya maamulka Puntlandna uu si adag u canaantay uguna sheegay in tilaabooyin laga qaadi doono .iyadoo dadka qaarkiis ay u fasireen in go,aankaan cusub ee ay la yimaadeen ganacsatadaasi uu yahay mid uu faray maamulka Puntland.

Qaar ka mid ah ganacsatada Dhinaca GalMudug oo arrintaan wax laga waydiiyay ayaa ku tilmaameen carqalad fool xun oo wanaagga iyo go,aamadii hore ee ganacsatada ka soo horjeeeda dhibaatooyin hor lehna curin kara.iyadoo mid kale oo ka mid ah ganacsatadaasi dhinaca Galmudug uu intaasi ku sii daray in sababta uu u malaynayo in canshuurtii qaadiddeeda laga soo bilaabay Boosaaso ay soo gaartay in shacbiga Galmudug canshuur qasab looga qaado .

Tilabadaan cusub oo aanay wali wax hadal ah ka soo saarin guddiyadii wada xaajoodku ayaan la ogayn sida ay arrintu ku dambayn doonto.

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...