Saturday 26 December 2009

Ahlu Sunna Wal-jameeca oo ka jawaabay eedeymo ay u soo jeediyeen ururka xisbul Islaam

Afhayeenka culimaa’udiinka Ahlu Sunna Wal-jameeca Sheekh C/laahi Sheekh C/raxmaan Abuu Yuusuf Al-qaadi oo saxaafadda la hadlay isagoo ku sugan degmada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud ayaa waxa uu ka jawaabay eedeymo ay u soo jeediyeen ururka Xisbul Islaam oo ahaa in shirka ay culimaa’udiinka ku leeyihiin Galgaduud ay gadaal ka riixayso dawladda Itoobiya, ujeedadiisuna ay tahay in lagula wareego deegaanada ay ka taliyaan mujaahidiinta.

Afhayeenka culimaa’udiinka ahlu Sunna Wal-jameeca wuxuu sheegay in eedeyntaasi aysan waxba ka jirin, shirkuna uu yahay mid ka madax bannaan dalal shisheeye kaasoo soo billowday horraantii sanadkan, wuxuuna intaasi ku daray inaysan suurto gal ahayn in iyagoo Muslimiin ah ay taageero ka helaan masiixiyiin, ilaahayna ay ka magan galayaan.

Afhayeenka culimaa’udiinka ahlu Sunna Wal-jameeca waxa uu sheegay in ururka Xisbul Islaam masuuliyiintooda ay yihiin kuwo u afduuban oo gumaysi ugu jira kooxaha khawaarijta, waa sida uu hadalka u dhigaye, kuwaasoo buu yiri aan awood u lahayn inay afkaartooda iyo rabitaankooda soo bandhigaan, wuxuuna intaasi ku daray in ay nasiib darro tahay in xisbul islaam ay eedey taasi oo kale ah soo jeediyaan.

Afhayeenka Culimaa’udiinka ahlu Sunna Wal-jameeca Sheekh C/laahi Sheekh C/raxmaan Abu Yuusuf Al-qaadi wuxuu sheegay inay soo dhoweynayaan cunaqabataynta lagu soo rogay dawladda Eritrea taasina ay wax weyn ka qaban doonto in Soomaaliya ay aayaheeda ka tashato, una istaagto inay hesho midnimadeeda iyo qaranimadeeda.

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...