Thursday 24 December 2009

Abdilahi Yusuf London

London: “ Anigu waxaan rumeysnahay Al- Shabaab wey qabsanayaan Muqdisho & ka dibna Puntland & Somaliland ayay ku sii jeedaan” Madaxweynihii hore ee Soomaaliya.
24. december 2009

APL


Tool

Send This Article To A Friend By Email | Saaxiibkaa warkaan ugu dir Email

Print This Article | Daabaco warkaan
London(AllPuntland)- Madaxweynihii hore ee dalka Soomaaliya Md, C/laahi Yuusuf Axmed oo wareysi siinayay Idaacad Codka Mareykanka ee VOA-da ayaa sheegay in uu aad uga walaacsan yahay xaaladaha qalafsan ee dalka Soomaaliya, isagoo sheegay in uu hada qabo walaac daran oo ku wajahan in ay Soomaaliya oo dhan la wareegi doonaan Xarakada Al- Shabaab.

Madaxweynihii hore wuxuu sheegay in mucaaradyada ka jira Soomaaliya ay yihiin oo kaliya Al- Shabaab, oo leh magacyo kala gedisan, wuxuna sheegay in ay Al- Shabaab ka jireen waligood Soomaaliya, balse ay awood yeesheen wixii ka dambeeyey markii ay Muqdisho ka dhismeen golihii Maxaakiimta Shareecada Islaamka ee uu hogaaminayay Shariif Sheekh Axmed.

Md. Yuusuf wuxuu sheegay in ilaa maalintii loo caleema saaray Madaxweyne-nimada Soomaaliya 14 October-04, uu aduun-weynaha iyo Soomaalidaba ka codsanay in ay taageero wanaagsan oo ciidan ay siiyaan, balse ay guuldareysteen in ay taageeraan mawqifkiisii, isagoo sheegay in ay maanta hayaan warkaasi.

Madaxweynihii hore wuxuu cadeeyey in ay siyaasad xumo weyn ciyaarayaan dalalka Caalamku, isagoo ku eedeeyey Siyaasada ah in laysku jabiyo mucaaradyada hubeysan, wuxuuna sheegay in uu mudo dheer ku talinayay in laysla jabiyo oo aan laysku jabin kooxahan oo awood weyn hada ku yeshay Soomaaliya.

Mr, Yuusuf oo ah Siyaasi mudo ka badan 47 sanno ku soo jiray Siyaasada Soomaaliya, hadeerna sheeda sare kala socda ayaa sheegay in aysan qeymeyntiisu xumeyn, isagoo sheegay 31 December- 08, uu cadeeyey in ay Soomaaliya la waregayaan Xoogaga Al- Shabaab, wuxuuna cadeeyey in ay taasi dhacday maanta oo ay maamulayaan guud ahaan Koonfurta Soomaaliya.

“Anigu waxaan rumeysnahay Al- Shabaab wey qabsanayaan Muqdisho, hadana waxa ay heystaan Koonfurta Soomaaliya, Muqdishana shaki igama saarna in ayla wareegayaan sida ay xaaladu tahay, iyagoo aan dareemayno talaabooyinka qaadayaan” Ayuu yiri Madaxweynihii hore ee Soomaaliya.

Mar la weydiiyey C/laahi Yuusuf Axmed sida uu arko rabshadihii ugu dambeeyey ee ka dhacay Puntland, ayuu sheegay in ay bilow uyihiin talaabooyin ladoonayo in lugu curyaamiyo Puntland, isagoo sheegay in ay masuuliyadooda leeyihiin kooxaha ka dagaalamaya Koonfurta Soomaaliya.

Madaxweyne Yuusuf wuxuu sheegay in ay doonayaan in ay dagaalkooda gaarsiiyaan Ruushka iyo Mareykanka, isagoo sheegay in qabsashadooda Muqdisho ka dib ay ku sii jeedaan Puntland & Somaliland, isaguu ugu baaqay labadaas dhinacna in ay dhistaan cudud Milateri oo ay kaga hortagi karaan dhinacyadaas oo uu sheegay in ay doonayaan in dagaal wadaan ilaa ay ka gaarayaan Ruushka iyo Mareykanka.

Hadalka Madaxweynihii hore ee dawladda KMG ka ahayd C/laahi Yuusuf Axmed ayaa ku soo beegmaya, xili ay siyaasiin badan rumeysan yihiin in ay Al- Shabaab la wareegi karaan hada magaalada Muqdisho, iyagoo hada maamulaya guud ahaan Koonfurta Soomaaliya oo ay uga dhiman tahay oo kaliya 2 KM oo ka mid ah caasumada dalka Soomaaliya.

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...