Thursday 19 November 2009

Xagla-Toosiye"Waxaan nahay reer Puntland"Warbixin kulankii Faroole iyo ururka Nayroobi.

Warkii 18-Nov-2009 iyo Qormadii: Hassan Dirie

Kulan ay ku yeesheen magaalada Nayroobi madaxweynaha Puntland Mudane C/Raxmaan Faroole iyo hogaanka dhowaan beesha SSC ku dooratay magaalada Nayroobi ee uu hogaamiye Saleebaan Xagla-Toosiye oo ay ka soo qayb galeen qaar ka mid ah wasiirada Puntland iyo waxgarad kaleba ayaa iyadoo shirkii wax yar socda kadib uu albaabka boobay madaxweyne Faroole iyo wasiiradii la socday,iyadoo uu kulankaasi ku dhamaaday hanjabaab iyo iyadoo la isu dhaartay.

Ugu horeyn waxaa kulankaas ka hadlay Dhanka Jaaliyadda Af-hayeenka Jaaliyadda SSC C/qaadir Axmed Aw-cali isagoo ka waramay ujeedada loo dhisay hogaankaas,iyo weliba sidii u qabsoomay shirkaas ka dhacay Nayroobi,wuxuuna xusuusiyey waftiga Faroole in madaxdii hogaankaasi meesha Fadhido,dhamaana dadku yihiin reer Puntland oo shirkaas macnihiisu ahaa "xoreynta Laascaanood",Puntlandna looga fadhiyo inay ka qayb qaadato.
C/Qaadir ayaa ka baryey Faroole inay ka noqdaan go'aankii ahaa in la xidhxidhi doono dadkii ka qayb galay shirkaas,hadii ay ka soo degaan garoomada Boosaaso iyo Gaalkacyo ama ay cagta soo dhigaan meel Puntland ka taliso.
Waxaa hadalkii markaas kadib lagu soo dhoweeyey Saleebaan Xagla-toosiye,wuxuuna uug horeyn ka dhawaajiyey gudoomiye Saleebaan inay yihiin reer Puntland,wuxuuna isaga oo naxariis ka filaya faroole ka codsaday inay ka daayaan xadhiga,ayna un ogolaadaan inay ka daegaan Puntland,isla markaana khalad laga faafiyey oo aanay Puntland lid ku ahayn,ayna diyaar u yihiin inay la shaqeeyaan maamulka hada ka jira Puntland,laguna taageero urur ahaan inay xoreeyaan Laascaanood.

Waxaa markaa kadib hadalkii la wareegay waftiga dawlada Puntland,waxaana ugu horeyn hadlay Ilka-Jiir oo dhowr erey oo kooban ku soo koobay hadalkiisa in Puntland ay diyar u yihiin inay xoreeyaan Laascaanood,oo Dhulbahantena taageero,wuxuuna hadalkiisa daqiiqad kadib ku soo gebagebeeyey,madaxweynahaa idiin sheegaya mawqifka Puntland.
Madaxweyne Faroole oo ay ka muuqato isku-kalsooni buuxda dhooshana ka qoslaya ayaa kaftan yar kadib waxa uu ka sheekeeyey amaanka Puntland,dhacdooyinkii ugu danbeeyey iyo dib-u-heshiisiintii uu ka qayb qaatay ee Gaalkacyo,tii gobolada barig fog ee Ufeyn,dilalka ka dhacaya magaalooyinka waaweyn ee Garoowe,Gaalkacyo iyo Boosaaso.
Intaas kadib ayaa waxa Faroole ka waramay siday xukuumad ahaan ay uga go'an tahay inay "soo celiyaan Laascaanood",waa siduu hadalka u dhigaye,iyo in iyaga laga war sugo oo la taageero.
"Hadee dawlad baynu leenahay,dhamaanteena reer Puntland baan nahay,Xagla-toosiye ragii tartanka nagula jirey buu ka mid ahaa,ragaanoo dhana waa ragii reer Puntland,anaga xukuumad ahaan qorshe ayaan u dejinay arinta Laascaano,wakhtigeeda ayaana la sugaynaa,oo doorashada ka dhexaysa Ucid Kulmiye iyo Udub ayaan eegaynaa dhinaca ay u dhacdo,runtiina aan wakhtigan Puntland haynin ciidan la dagaalami kara Somaliland,Dhulbahantena kala qaybsan yahay,oo ayan Dhulbahante u kala hiilin karin,oo waxaaba laga yaabaa in Somaliland wax iska bedelaan,markaa jabhad la sameeyo iyo looma baahna in nabadgelyo xumo la sameeyo,kana noqon mayno go'aankayagii hore oo cidii dhib u keeni karta Puntland waa ka hortegaynaa"sidaas waxa yidhi Faroole oo ku cudur daartay inuu leeyahay balamo muhiim ah,oo aanu halkan wakhti u haynin,wuxuuna isla markiiba boobay albaabka,iyada oo madshii uu hadheeyey buuq iyo sawaxan,iyadoo odayaal madasha fadhiyey ay dhaar iyo hadalo aan naxariis lahayn ka sii daba tuurayeen madaxweyne Faroole intaan isaga iyo wasiiradiisiiba albaabka ka bixin.
Kulankaas oo hogaankii la doortay inay isu keenaan beesha iyo waxa loogu yeedhay "xoreynta Laascaanood",ayaa waxa uu si cad oo aan gabasho lahayn uu u sheegay inay ka mid yihiin reer Puntland,waxayna shir la galeen maamul ka mid ah maamulada ay u kala qaybsan yihiin beeshu,iyadoo aan la hubin inay maamulka kale ee Somalilana,iyagana madaxdooda la kulmi doonaan.
Kulankan uu hogaanku la yeeshay madaxda Puntland ayaa waxa uu shaki ku abuuri karaa dad badan oo u haystey in maamulkani ka madax banaan yahay maamulada ay dadku u kala qaybsna yihiin.

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...