Wednesday 25 November 2009

(WARAR SIR AH OO LA HELAY) Money Laundering

Ma dhabaa in saraakiisha dowladda Somalia ay qabteen, ka dibna qariyeen ninkii watay lacagtii dolarka Madow aheyd ee maalmo ka hor lagu soo bandhigay garoonka Aadan cadde?

Lacag gaareysa hal milyan oo dollar oo dowladda Somalia ay sheegtay maalmo ka hor in lagu qabtay garoonka dayuuradaha ee magaalada Muqdisho xili si kootrooban ahaan ah looga duulin rabay halkaasi ayaa waxaa ka soo baxaya warar SIR ah oo dheeraad ah kana duwan qaabkii ay dowlada markii hore wax u sheegtay.


Wasiirka Lacagta ee xukuumadda Somalia Ing. Yariisow iyo afhayeenka ciidanka Booliska G/sare Bariise oo saxaafada shir jaraa’id ugu qabtay garoonka Aadan cadde xilli ay lacagtaasi u soo bandhigayeen warbaahinta ayaa waxay sheegeen in qofkii watay lacagtaasi oo boorso ku jirtay la waayey ka gadaal markii uu ogaaday in baaritaan adag la marayo, waxaana Col. Bariise uu afka ku dhuftay in hadda ka hor ay ku qabteen isla garoonka dawada lacagtaasi dollarka madow ah lagu cadeeyo, wuxuuna balan ku qaaday iney gubi doonaan lacagtaasi isla xiligaasi iyadoo warbaahintu ay xaadir tahay.

Hase ahaatee sidaasi wax uma dhicin, lacagtiina iyadoo aan la gubin ayaa goobta lagu kala dareeray, taasoo la yaab ku noqotay suxufiyintii halkaasi looga yeeray oo sugayey iney sawiro ka qaataan lacagtaasi falsada ah oo la gubayo, waxaana arintaasi ay dhalisay tuhun ah in lacagtaasi laga damacsan yahay ujeedooyin kale


Shakiga ayaa sii kordhay markii ay soo baxeen warar lagu kalsoon yahay oo sheegaya in ninkii lacagtaasi watay ay qabteen ciidamada ilaalada garoonka dayuuradaha hase ahatee saraakiisha dowladda ay qariyeen arintaasi, waxaana ninkaasi oo magaciisa lagu sheegay Cumar Abgaalow in la qabtay oo uu gacanta ugu jiro ciidamada dowladda xaqiijiyey qaar ka mid ah eheladiisa oo ku sugan magaalada Muqdisho, kuwaasoo sheegay in Cumar uu ahaa nin weligii ku shaqeysan jiray cadeynta Dollarka madow, sababta warbaahinta looga qariyeyna ay tahay iyadoo saraakiil ka tirsan dowlada ay doonayaan iney ku shaqeystaan ninkaasi si uu ugu cadeeyo lacagaha dollarka madow ah ee hadda la qabtay oo aan la gubin iyo kuwo kale oo meelo kale ay ku’og yihiin.

Ninkan lagu magacaabo Cumar abgaalow ee eheladiisu ay sheegeen in dowladda ay ku qabatay lacagta ayaa la sheegay inuu qabo fanaanad caan ka ah Somalia gaar ahaan magaalada Muqdisho oo lagu magacaabo Farxiyo kaanglii, waxaana dad badan ay wax iska weydiinayaan waxa ka dhalan kara marka la isu geeyo 3 arimood oo kala ah, Dolarka madow ee dowladu ay qabatay hase ahaatee aan la gubin, dawada lagu sifeeyo oo iyana ay sheegtay in hadda ka hor lagu qabtay garoonka dayuuradaha iyo ninka ku xeeldheer sifeynta Dolarka madow ee saraakiisha dowladu lagu eedeeyey in ay qarsadeen, warbaahintana u sheegeen inuu baxsaday?

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...